Muqdisho:- Axmed Diiriye Cali Af hayeenka  Beelwaynta Hawiye ayaa beeniyay  Hadal uu dhawaan sheegay Gudoomiyha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheree) hadalkaasi oo ahaa inuu Axmed Diirye ka danbeeyay Dilkii lagu khaarijiyay Af hayeenkii Gobolka Banaadir ee dhawaan la dilay, Axmed Diiriye ayaa sheegay inaanu arinkaasi waxba ka ogayn.

Axmed Diiriye  waxa uu sheegay in marka hore caafimaad ahaan la baaro waxa uu yahay Maxamed dheere,waa  sida uu hadalka u dhigay isagoo intaasi ku daray inaysan jiirin sabab uu u dilay  Maxamed Muxudiin cali afhayeenkii maamulka Gobolka  banadir iyo Cabaas (galayr) kusimihii afhayeenka gobolka oo habeen hore la dilay isna.

Axmed Diiriye ayaa sheegay inuu markata isaga ka shaqaynayo Nabada iyo Xasiloonada Magaalada Muqdisho, isla maraakan uu aad uga xun yahay hadalka ka soo yeedhay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye Axmed Diiriye waxa uu ku eedeeyay guddoomiyaha gobolka Maxamed dheere uu doonayo in uu maja xaabiyo  heshiisyada ka dhex socda dowladda Somaliya iyo dhinacyada ka soo horjeeda kuwaasi oo ay u dhaw dhaw dahay in Nabad waarta la kala qaato.

Hadalka Axmed Diiriye ayaa ku soo aada xili maalin uun ka hor markii uu shir Saxaafadeed qabtay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere isaga oo si kulul u Canbaareeyay dilkii lagu kala Kacay Afahayeen Gobolka Banaadir,isla markaan ku eedeeyay inuu ka danbeeyay Axmed Diiriye Dilkaasi.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com/ Bosaaso