Hargaysa:Sl- Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Afrika, Mrs Junday Frazer, ayaa maanta socdaal ku timid Somaliland, waxana ay wada hadalo ay la yeelanaysaa Madaxweynaha somaliland, Md Daahir Rayaale Kaahin iyo shirgudoonada golayaasha baarlamaanka JSL.
 
Junday Frazer, ayaa socdaalkeedu la xidhiidhaa sii ambo qaadka waxyaabihii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Rayaale iyo Weftigii uu hoggaaminayay ay bishii la soo dhaafay ku tageen dalka maraykanka, markaasi oo ay isla qaateen sii xoojinta xidhiidh iyo iskaashi dhex mara Somaliland iyo maraykanka.
Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka, oo la dejiyay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa sida la sheegay ay maanta qado sharaf qasriga madaxtooyada ugu samaynaya Madaxeynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo ay la kulmaysaa madaxkaloo aad u fara badan
Socdaalkan oo ka dambeeyay ka dib markii ay ku tageen marekanka madaxwayne riyaale iyo wafdi uu hogaaminayo oo doonaya ictiraafka Somaliland
 
Kaaliaha arimaha dibadda e africa junday frazer waxay intaa ku dartay   in ictiraafka  somali land  oo beryahan ay afka ku hayeen mudane riyaale  shacabkiisu ay ku xidhan tahay  madawga Africa  iyo waliba Somalia 
Waxay kalo waraku intaa ku darayaa  junday frazer inay galabta ka dhoofayso gagida diyaaradaha ee Hargaysa.
 

Maakhir.com/ Hargysa