burcad.jpgSakhalin:- Markab laga leeyaha Dalka Ruushka ayaa la sheegay in lagu qafaashay xeebaha Dalka Somaliya Markabkaasi ayaa waxa la cadeeyay inuu ay wateen dad Ajaanib ah oo isugu jira British iyo kuwa kale oo ka soo jeeda Dalka Ruushka, Saraakiisha Sare Sare ee Dalka Ruushka ayaa Cadeeyay in markabkaasi ay Afduubteen Budhcad Somaliy ah.

Markabka la afduubtay oo lagu magacaabo Svitser Koprsakov waxaa uu ka soo baxay magaalada Petersburg ee dalka Ruushka, wuxuuna ku sii jeday dekeda Sakhalin ee saaran badweynta Pacific , kana tirsan isla dalka Ruushka, Hantiilayaasha Markabkaasi ayaa sheegay inuu siday Saliid Ceedhiin markabkaasi,waxay Ganacsatadaasi walaac xoogan ka muujiyeen Shaqaalaha Markabkaasi watay Naftooda oo ay sheegeen inay halis tahay.

Dhanka kale Shaqaalaha Dekeda Shakhalin ayaa sheegay inay xidhiidha markabkaasi wayeen mudo laga jooga laba cisho, uuna joogstay Khadka lagu wada hadlo ee fooniyaha loo yaqaan,iyaga oo sheegay inay markiiba sameeyeen baadhitaan xoogan ayana ogaadeen in markabkaasi lagu Afduubay Biyaha Dalka Somaliya.

Warkan oo laga soo xigtay Wakaalada wararka ee Dalka Ruushka ee lagu magcaabo Entar Fax, ayaa sheegtay inay markabkaasi Qafaasheen Budhcad Somali ah walaw aanay sheegin goobta markabkaasi ay masiibadu ka heshay.

Majiraan wax war ah oo ilaa haatan ka soo baxay Dawlada Ruushka oo ku aadan Afduubka markabkaasi, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegay inay Ciidamada Bada ee Ruushku ay baadi goob wayn ka wadaan Xeebaha Dalka Somaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii Markab Kalluumaysi oo laga leeyaha Dalka Indonsia lagu Afduubay Xeebta Degamad Ayl ee ka tirsan Maamulka Goboleedka Puntland waxayna wararku sheegayaan in ilaa haatan ay Gacanta ku haystaan Ragii qafaashay.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com/ Bosaaos

Advertisements