ca.jpgBosaaso:- Cade Muuse Xirsi ayaa la filayaa inuu maalinta bari ah u boqoolo Magaalada Adis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya halkaasi oo ay ku sugan yihiin Hogaamiyaasha Afrika oo mudooyinkan shir ku lahaa,waxa iyana halkaaasi jooga Labad Masuul ee ugu sareeeya Dawlada Somaliya waa Yuusuf iyo Nuur Cadde.
Ilo wareed ku dhaw dhaw xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa ayaa noo xaqiijiyay  inuu Cade Muuse maalinta beri ah uu ka dhoofi doono magaalada Boosaaso isagoo u socdaali doona magaalada Adis Ababa, halkaasi oo ay ugu qorsheysan tahay in uu kulamo kula soo qaato madaxda Itoobiya iyo madax ka tirsan Dawlada Federaalka KMG oo uu ka mid yahay Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo isagu dhawaan soo gaaray magaalada Adis Ababa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay Cade Muuse iyo Madaxa uu halkaasi kula kulmi doonaa ay ka wada hadlayaa arimo badan oo ay ugu horayso wax ka qabashada Nabad gelyada, iyo qorshaynta Doorshooyinka Puntland ee waxa yar uun ay ka dhahasan yihiin.
Cade Muuse ayaa sidoo kale la sheegay inuu Dalka Itoobiya kala xaajoon doono xidhiidh dhanka Ganacsiga ah oo qayb yahaa kaasi oo ay dhawaan isla soo qaadeen Cade Muuse iyo Raisalwasaaraha Itoobiya Mr zanawi.
Warar ogo gaal ah ayaa iyana waxay dahaa ka qaadayaan in Cade Muuse Dalka Itoobiya  uu u sii dhaafi doono Dalka Germal-ka  halkaasi oo uu xaalad Caafimaad u aadayo.
Cade Muuse ayaa magaalada Bosaaso soo gaadhay laba maal mood ka hor isaga oo awal ku sugnaan Xarunta Puntland ee Garoowe.

Jaamac Ayaanle
Maakhir.com