20070326-qarax.jpgBoosaaso:- Weerar xoogan ayaa lagu qaadey dekeda Boosaaso oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyo taabacsan Cade Muuse iyadoo aan la garaneyn cida weerarka kusoo qaadey waxaana intaa dheer iney rasaas iska daba joog ahi ay weli ka socoto Dekeda Bosaaso.
Warar horudhac ah ayaa waxay sheegayaan in dhimasho badani ay jirto iyadoo baabuur dhaawac iyo maydad sidaba ay abaareen Cisbitaalka magaalada laakiinse lama garan karo tirada dadka ku dhintey.
Sidoo kale Kolontada ayaa ka maqan magaalada waxaana sidaas oo kale go’an qaar ka mid ah isgaarsiinta.
Boosaaso oo in dhoweydba amaankeedu xumaa ayaa caawa waxaa u dheer in weli uu dagaal ka socdo iyadoo xiligan uu yahay aysan hore usoo arag dadka reer Boosaaso ah.

Wixii war Indhaha Ku hay Maakhir.com