xxxxxxxxxxxxxxxx4.jpgLondon:-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dawlada Somaliya ayaa sheegay inay is casilay,xildhibaankan oo haatan jooga magaalada Lodon ee carisa Dalka Ingiriiska ayaa war baahinta u sheegay inuu iska casilay Xubitii baarlamaan nimo ee uu hayay Dawlada Somaliya,waxa uu arintaasi ku macneeyay goortii ay Dawlada Somaliya ku guul daraysatay wax ka qabashada xaalada Dalka Somaliya.

C/casiis Ibraahim oo ku sugan magaalada London ayaa warbaahinta u sheegay in aanu dooneyn in uu ka mid ahaado wax uu ku tilmaamay Baarlaman aan damaanad qaadi karin shacabkii soo doortey isla markaana waa sida hadalka uu u yiriy’e uu go’aansadey in uu qaato go’aanka ah in uu isaga baxo baarlamanka Dawlada federaalka Soomaaliya.
Xildhibaakan is casilay maanta ayaa waxa uu ka mid yahay 16- xubnood ee Beesha Hawiye oo baarlamaanka u metelayay, xildhibaankaasi ayaa sheegay inaanu u dul qaadan karin waxa uu ugu yeedhay gu”maadka loo gaysanayo Beesha uu ka soo jeeda waa sida uu hadalka u dhigayay.
Xildhibaankan is Casilay ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee xilka tiriyay Dawladii lagu soo dhisay Dalka kenya sanadkii 2004- halkaasi oo ay dhamaan joogeen hogaamiyaasha siyaasada ee Somaliye iyo waliba odayaal dhaqameedka Beelaha Somaliyeed.
Ilaa iyo haatan kama aysan hadlin Dawlada Somaliya arinkaasi ah xildhibaanka is Casilay, iyada oo ay Masuuliyiinta ugu saraysa Dawlada Somaliya ay ku suganyihiin Dalka Dibadiisa.