ayaan1.jpgParis:- Haweenada Asal ahaan  ka soo jeeda Dalka Somaliya ee lagu magcaabo Ayaan Xirsi ayaa waxa la sheegay inay maanta u duushay Dalka Faransiiska Caasimadiisa  Paris,iyada oo awal horay ugu sugnayda Dalka Maraykanka ka dib markii laga Eryay Dalka Holland  oo ay awal ka ahayd Xildhibaan Golaha Baarlamaanka Dalkaasi.

Haweenaydaasi ayaa waxa la sheeciyay in Baarlamaanka Dalka Holland laga saaray ka dib markii ay Fadeexadeesay Diinta Islaamka oo ay sawiro Muujinaya Dacaayad ka dhan Diinta ay soo Bandhigtay.

Ayaan ayaa waxay wareysi gaar ah siisay maanta Wargeyska du Dimanche ee kasoo baxa dalkaasi France, ayadoo uga warantay sababta ay u timid dalkaasi France, oo ah inay Magan galyo soo raadsatay.

Ayaan ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay qaadato sharciga dalka France si ay u hesho magangelyo dhinaca amniga ah.

Ayaan Xirsi oo horey u ahaan jirtay Xildhibaanad kamid ah Baarlamaanka dalka Holland ayaa sanadkan laga jaray dhamaan dhaqaalihii uu dalka Holland u siin jiray dhinaca sugida amniga iyo illaaladeeda Khaaska ah, iyada oo awal Dalka Holland uu balan qaaday inuu sugayo Amaakeeda uu dhaqaale xoogle ku biixnjiray.

Ayaan ayaa horay ugu sugnay Dalka Maraykan ka dib markii Dalab waydiisatay inay siiyaan Magan galyo, oo ay sugaan Amaankeeda, balse haatan ayaa waxa cadaatay inuu Maraykanku qaadacay inuu Amaankeeda Haweenaydaasi sugo.

Waxa la soo tabinayaa in markay maanta ka degtay Magaalada Paris ay ku soo dhaweeyeen dad fara badan oo Asal ahaantooda ka soo jeeda Dalka France kuwaasi oo ay ku jiraan Aqoonyahano Dalkaasi u dhashay.

Waxa markiiba loo gudbiyay Xooghaya Madaxtooyada France Mr Claude Gueant isaga oo ninkaasi sheegay inay haweenaydaasi qaabileen Codsigeeda ah in la siiyo Sharciga Dalkaasi si ay ugu sahlanaato in la siiyo Magan galyo Xaga Amaanka ah.

Dabayaaqadii Bishii la soo dhaafay ayaa waxa uu xidhiidh dhex mary Ayaan Xisri iyo wasiirka Cadaalada Dalka France Mrs. Rachida Dati, iyada oo la shaaciyay inay Ayaan iyo masuulkaasi isla soo qaadeen sidii Dalka France uu u siin lahaa Aqoonsi iyo waliba sugid Amaankeeda uu dusha ugu ridan lahaa.

Dhanka kale Madaxwaynaha Dalka France Nicolas Sarkozy  ayaa khudbad dheer oo uu jeediyay markii lagu dhex jiray Doorashadii Dalka France waxa uu Cara baabay inay Muqadas tahay in la Taageero Haweenka dhibaataysan oo Dalka France magan galyo laga siiyo.

Ayaan Xisri oo Asal ahaan u dhaltay Dalka Somaliya ayaa goortay 4- Sano ka hor dhigtay Filimkaasi diinta Islaamka lagu Dacaayadaynayo waxa u dhaartay inay qoorta ka jarayaan Kooxo Muslimiin ah kuwaasi oo markiiba dilay ninkii iyada Filimkaasi la jilayay, Arintaasi ayaa keentay in Dalka Holland uu Lacag badan ku bixiyo in Amaanka haweenaydaasi la sugo, Balse goor danbe aya Dalka Holland ka fadhiistay oo qaadaceen inaanay wax Magan galyo ah siinayn qoftaasi.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com/ Bosaaso