mmmmmmmm.jpgCaira:- Ilo wareed aad loogu kal soon yahay ayaa waxay daboolka ka qaadayaan inay Dawlada Dalka Masar qorshaynayso inay Abuurto wada hadal ay isugu keenayso Kooxaha ku sugan Asmara iyo Dawlada Somaliya, Kulankaasi ayaa waxa la sheegay inay wadaan Dawlada Masar oo Taageera ka helaysa Dalka Talyaaniga, halka ay warar kalena sheegayaan inay Q.M iyana wax ka og tahay.

Warkan oo ah war si Duur Xul ah loo soo gaadhaysiiyay Shabakada Maakhir.com ayaa waxa uu intaasi ku darayaa inuu arinkaasi ka soo yeedhay Masuuliyiinta Dalka Masar kuwaasi oo sheegay inay kulankaasi iyagu marti galinayaan  kaasi oo ujeedkiisu yahay inay ku dhex dhexaadiyaan Mucaaradka Asmara Jooga iyo Dawlada C/laahi Yuusf Axmed hogaamiyo.

Wararka ayaa iyana sheegaya in Gudoomiyaha  Is baahaysiga Asmara Shiikh Shariif Sh. Axmed iyo wafti uu hogaaminayaa ay 13- Bishan aynu ku jiro u boqooli doonaan Dalka Masar Caasimadiisa ee Qaahira halkaasi oo la sheegay inay ka heleen Go Gol marti qaad ah oo ay u fidisay Dawlada Masar.

Balse Dawlada Dalka Masar ayaa iyada dhawor jeer daah ka qaaday inay muhiim tahay in Go Gol laysugu keeno Dawlada Somaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda so loo soo afmeero khilaafka daba dheeraaday ee mudada soo jeetamayay.

Kulankaasi laysugu keenayo Mucaaradaka iyo Dawlada Somaliya ayaa waxa la sheeciyay inay Qaban doonto Dawlada Masar, oo ay Garab siinayaan Dawlada Dalka Talyaaniga iyo Q.M oo aan iyana meesha ka Maqnayn.

Arinkaasi ka soo yeedhay Dawlada Masar ayaa waxa soo dhaweeyay dhamaan Beesha Caalamka oo ka wel wel sanaa xaalada Somaliya ee ka sii daraysa taasi oo ay sabab u tahay khilaafka u dhexeeya Dawlada iyo Mucaaradka.

Dhanka kale Dawlada Somaliya ayaa iyagu tira ka dhawor jeer ku baaqay inay doonayaan wada hadal dhex mara iyaga iyo Kooxaha ka soo horjeeda walaw ay markaasi iyagu Madax ka ruxid sameeyeen oo ay diideen inay wax wada hadal ah la sameeyeen Dawlada Somaliya,waxayna markaasi Sabab uga dhigeen Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Somaliya.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com