wwwwwwww.jpgCad Cado:- War goor dhawayd naga soo gaadhay Magaalada Laasqoray ayaa sheegaya inay  Dooni ku soo caariday Xeebta Cad Cado ee dhinac Bari ka soo xogta Magaalada Dur Duri, warka ayaa intaasi ku daraya inay Doonidaasi wateen  Shaqaale Gaadhaya ilaa 8-Ruux kuwaasi oo isugu jira Somaliya Yemaniyiin
Waxa la soo sheegayaa inay Doonidaasi ahayd nooca ka jilaabta Bada ee Kalluumaysiga ah iyada oo markii hore ka soo Boqooshay  Dalka Yeman,waxa la soo tabinayaa inay ku dhufteen Dabaylo xoogan kuwaasi oo markiiba sahlay inay Doontaasi Dibada dhigaan oo ay biyaha ka soo dhex saaraan.
Warar xo go gaal ah ayaa waxay sheegayaan inaan doonidaasi cidna wax ku noqon iyada oo ay dhamaan Bur Bur soo gaadhay dhismaha ay ka samaysnayd Doonidaasi, dada booqday goobta ay doonidaasi ku soo caariday ayaa sheegay inay arkeen Ja Jabka Doonidaasi iyada oo taala Meel xeebta u dhaw.
Doonidan soo caariday ayaa waxa   Asalkeeda leh Ganacsade u dhashay Dalka Yeman balse waxa wakiil ka ahaa dad deegaanka Laasqoray u dhashay kuwaasi oo shiraaku ku ahaa wax soo saarka Doonidaasi.
Xeebaha Deegaanka Laasqoray   ilaa Ceelaayo ayaa waxa la sheegayaa inay ka jiraan Dabaylo xoogan kuwaasi oo gabi ahaanba joojiyay shaqada laga hayay    Bada iyada oo ay dhamaan faraha ka la baxeen Kalluumaysatada ka shaqaysan jirtay Xeebahaasi ka dib markii ay soo food saartay cabsi xoogan oo ay ka qabaan Inay Dabaylahaasi wax yeeleeyaan.
Degamada Laasqoray ayaa waxa haatan jooga ilaa 32- Doonyood sida ay noo sheegeen dad war gal ah kuwaasi oo ujeedkoodu yahay inay ka Jilaabtaan Xeebtaasi dabadeena ay Kalluunka u iib geeyeen dhanka Dalka Yeman oo aad uu suuq ugu leeyahay Kalluunku.
Doonyahaasi badankooda waxa laga leeyahay Dalka Yeman kuwaasi oo ay wakiil ka yihiin dad deegaanka ku dhashay, dadkaasi markooda hore ayay doonyahaasi waxay kula hashiiyaan Khidmad, qaarkoodna waxayba  la iib gaystaan Kalluunka ay soo Jilaabaan.

Maakhir.com/Bosaaso