maaaaaash.jpgBadhan: Xoghayaha Warfaafinta Maakhir State Eng. C/risaaq Maxamed Cali  ayaa shir jaraa’id uu ku qabtey magaalada Badhan ayaa wuxuu ku tilmaamay jirdilkii loo geystey Maxamed Axmed Ciise nooc ka mid ah caburinta Saxaafada iyo suxufiyiinta iyo guud ahaan dhibka lagu hayo warbaahinta madaxa bananaan.

 Wariye Maxamed Axmed Ciise ayaa ah wariye/tafatire ka ah warbaahinta Dhahar.com, ayaa waxaa habeen hore jidka u galay ciidan ka mid ah ciidanka Booliiska iyagoo wajigooda qariyey, jirdilna u geystey wariyaha. Xoghayaha ayaa ku tilmaamay in arintaasi ay tahay mid laga xumaado, dowlada Maakhirna ay kala xisaabtami doontaa maamul goboleedka Puntland.

Eng. Cabdirisaaq ayaa wuxuu tilmaamay in mudo badan hada ka hor hanjabaado loo soo direy qaar badan oo ka mid ah wariyayaasha Maakhir ee kusugan Boosaaso iyo Garoowe, qaar ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa sidoo kale hada ka hor si bareer ah ugu hanjabey wariyayaasha Maakhir oo aan weecin xaqiiqda wararka dhabta ah.

Dhanka kale magaalada Boosaaso ayaa qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan ee taageersan Maakhir State ayaa waxay ku jiraan baaritaano ragii jirdilka u geystey wariye Maxamed Axmed Ciise iyo sidii sharciga loosoo taagi lahaa.

Wariyaha Madaxtoodaya, Maamulka Maakhir.

Badhan