dallo.jpgCeerigaabo:- Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxay falkii ahaa Afduubka ee loo gaystay Ninka Ajaanibka ahaa ee maanta lagu Qafaashay Degmada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag,wararka ayaa qaar sheegayaan  inay ragii ninkaasi Qafaashay ay ula dhaqaaqeen dhanka Bari ee Gobolka Sanaag, halka kuwa kalena sheegayaan inay u la jeensadeen dhanka hawdka ah ee Deegaanka.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay falkaasi iyada oo ninkaas la sheegay in loola baxsaday dhinaca Bari ee Gobolka Sanaag, lama garanyo raga falkaasi ka danbeeyay iyada oo ay soo baxayaan inay ahaayeen kuwa rabay inay khal khal galiyaan Amaanka Magaalada Ceerigaabo.

Waxa jira dadaalo dheeraad ah oo ay wadaan Masuuliyiinta Hay”adda Acro Action oo ah Hay”adda ninkaasi ka hawl gali jiray, iyada oo ay hareer socdaan dadaalo kale oo ay wadaan wax garadka Deegaanka Ceerigaabo kuwaasi oo xusul duub ugu jiray sidii ay u soo samata bixin lahaayeen Ninkaasi Ajaanibka ah.

Dhanka waxa soo baxaya warar is khilaafsan kuwaasi oo qaarkood sheegayaan inay raga ninkaasi Qafaashay ay ahaayee kuwa diidan Siyaasada Maamulka Somaliland, halka ay jiraan wararkale oo sheegay inay ragaasi yihiin kuwa doonaya inay Qalalaase ka ridaan Magaalada Ceerigaabo.

Acro Action oo ah Hay”adda uu ninkaasi Jarmalka ahi ka hawl gali jiray ayaa waxa la cadeeyay inay ka shaqayn jirtay arimaha Deegaanka iyada oo ay dadka deegaanku sheegeen inay joogtay magaalada Ceerigaabo mudo dheer.

Majiraan wax khasaare ah oo buuran oo markii falkaasi dhacay meesha ka soo shaac baxay marka laga reebo dareewalkii baabuurka Ninkaasi ku waday oo ay haleeshay Xabad, Ninkaasi ayaa waxa lagu magcabaa Cumar Warsame.

Dhakhaatiirta Goobaha Caafimaadka ee Degmada Ceerigaabo oo aanu la xidhiidhay ayaa noo sheegay inay xaalada Ninkaasi tahay mid wacan oo aanay jirin wax dhaawac liita ah oo uu qabo.

Magaalada Ceerigaabo ayaa waxa maanta aad looga hadal hayaa Falkaasi dhacay iyada oo aanay dadka reer Ceerigaabo Falalka Noocaas oo kale ah aanay u baran, dhamaan Bulshada Deegaanka ayaa arinkaasi ka walaacsan iyaga oo dadka Falkaasi gaystay ku til maamay inay yihiin kuwa Nabada Gobolka Maja xaabinaya.

Maakhir.com/Ceerigaabo