uas.jpgAYl:- Maraakiibta Dagaalka ee Dalka marayakanka ayaa Maanta Galinkii danbe Duqayn xoogan u gaystay Garoonka Degmada Ayl ee ka tirsan Gobolka Nugaal,waxa la soo sheegayaa inay ku soo rideen ilaa 2- Gantaal kuwaasi oo aan la soo tabin wax khasaare ah oo ay gaysteen, dadka deegaan ayaa arinkaasi aad uga xumaaday.

Goobtaasi ay maanta duqeeyeen maraykanku ayaa waxay dhinaca Bari oo dhulka ah ay ka xigtaa meesha lagu haytso Markabaka laga leeyahay Dalka Ruush oo ay mudooyinkan Ilaalo xoogan ka hayeen Maraakiibta Maraykanku.

Hadaba goortii warkaasi soo yeedhay ayaanu la xidhiidhnay Xasan Cismaan Aloore oo ah wasiirka Macdanta iyo Tamarta waxana uu noo sheegay inay arintaasi dhacday oo ay Maraakiibta Dagaalku duqeeyeen Goobtaasi,masuulkaasi Puntland ka tirsan waxa kaloo uu sheegay inay Maraakiibta Dagaalka la sameeyee xidhiidh kuwaasi oo ay ugu baaqeen inay joojiyaan Duqaynta ay wadaan oo loo baydho dhanka wada hadalka maadaaba goobahaasi oo dhan ay degen yihiin dad shacab ah.

Wasiirka macdanta iyo tamarta Puntland Xasan Cismaan Aloore wuxuu farta ku fiiqay in isaga iyo xubno kale oo ka mid ah maamulka Puntland iyo saraakiisha qaybaha kala duwan ee ciidamada isla markaana ay ku hawlan yihiin sidii loo siideyn lahaa markabka iyo shaqaalaha saaran,walaw ay diideen Budhcadaasi inay wax wada hadal ah la galaan Maamulka Puntland.

Masuulkaasi Puntladn u hadalya aya sheegay in labadii markab mid ka mid ah loola dhaqaaqay dhanka koonfureed ee Gobolka Nugaal oo xeebta ah kuwaasi oo Budhcadii haysatay ay sheegeen inay doodanayaa lacago madax furasho ah.

Labadan markab ee lagu haysto mudada gaadhaysa 20- cisho xeebta deegaanka Ayl ayaa waxa laga kala leeyhay Dalka Ruushka iyo Dalka Cumaan kuwaasi oo la sheegay inay wakhti yar uun kala danbeeyeen goortii falkaasi dhacayay.

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah u diray goobtaasi lagu haytso maraakiibta kuwaasi oo sheegay inay bilaabayaan hawl gal baaxadle oo ay ku sii daynayaan Maraakiibtaasi.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com/Bosaaso