dhuxul.jpgKismaayo:- Warar Deg Deg ah oo haatan naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Goor dhawady uu Dab qabsday marka Dekeda Kismaayo dhuxul lagaga daabulayay,waxana uu warku intaas ku darayaa inuu Marakabkaasi wali Hul cayo.

Wararka oo isa soo taraya ayaa intaa ku daraya in Markab uu qeyb ka mid ah uu Dabku baabi’iyay, isla markaana uu iminka dabka sii socda, waxaana ilaa iyo hada jira isku day lagu daminayo Dabkaas oo ay wadaan odayaasha Deegaanka oo Gacan ka helaya shacabka Magaalada Kismaayo.

Dabka oo ah mid wali holcaya ayaa qarka u saaran Markab qeybihiisa kale uu u gudbo, iyadoona dabeylahana ay sii hurinayaan , dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inuu dabku mar marka ka danbaysa uu Cirka isku shareerayo iyada oo dhinaca ka mid ah markabkaasi uu shuf beelay sida ay sheegeen dadkaasi.

Xarunta Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo ayaa mudooyinkan waxa si aad ah looga dhoofinayay dhuxash iyada oo ay joogaan Dekeda Kismaayo ilaa-3 Doonyood oo kale oo iyana u hanqal taagaya in lagu Daabul dhuxul.

Horay ayaa Madaxwayne Yuusuf u soo saaray  wareegto lagu Mabnuucayo Dhoofinta Dhuxusha iyo Jarida dhirta iyada oo  baaqaasi gooba badan laga hir galiyay Balse waxa muudoo inay Dadka Deegaanka Jubada Hoose aanay Dhege Jalaq u siin Hadalkii ka soo yeedhay Madaxwayne C/laahi Yuusuf.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com/Bosaaso