dagaal.jpgGaroowe:- War Deg Deg ah oo haatan naga soo gaadhaya magaalada Garoowe ayaa sheegay in ilaa 3- Askari la keenay Goor dhawady magaalada Garoowe kuwaasi oo ku soo dhaawacmay Dagaal galabta Casar liiq dhex maray Ciidamada Maamulka Puntland iyo Budhcad Afduub u haysata Markab laga leeyahay Dalka Ruush.Ilo wareed muhiim ah ayaa noo sheegay inay Ragaasi dhaawac ah hadeer la keenay Cisbitaalka Magaalada Garoowe kuwaasi oo la sheegay inay Xaaladooda Caafimaad aad u liidato.
Ilo wareedkaasi waxay kaloo sheegayaan inuu jiro hal Askari oo ku geeriyooday dagaalkaasi Galabta ka dhacay Duleedka deegaanka Ayl ee Gobolka Nugaal kaasi oo ay haleeshay rasaastii ay is waydaarsanayeen labadaasi garab.
Warar kale ayaa sheegay inay ciidamada Dheeraad ahi u Boqooleend dhanka deegaanka Ayl ee Galabta Dagaalku  ka dhacay kuwaasi oo ka Boqoolay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.
Dagaalkan ayaa dhacay ka dib mariii Kooxo sahay u siday  Budhcadaasi markabka haysata iyo ciidamada maamulka Puntland ay is heleen kuwaasi oo Rasaas ooda iskaga qaaday, lama soo sheegin khasaaraha soo gaadhay Budhacaasi.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inay Talaabo cad ka qaadayaan Budhaca balse arinkaasi ayaa Noqdayn Mid aan meeshiisii laga qaain.
 

Deegaanka Ayl ee Gobolka Nugaal ayaa waxa isku Kulaalaya Maraakiib ay leeyihiin Maraykanku iyo Mid Afduub loogu haysto halkaasi, iyada oo la cadeeyaya inay maanta ay Maraakiibtaasi Gantaala ku tuureen meel Banaanka ah ee u dhaw Xeebta.