yuusuf2.jpgMuqdisho:- Sida ay ku soo waramayaan Ilo wareed aad muhiim u ah Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed  uu maanta kulan dheer oo saxaafada daaha laga saaray la yeeshay Isimada Gobolka Banaadir,waxa ay sheegayaan dad ku dhaw dhaw kulanaaski dhex maray C/laahi Yuusuf iyo odayaal dhaqameedka Gobolka Banaadir in ay aad uga wada hadleen sidii xaalada Amaan loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho.

Kulankaas ay yeesheen C/laahi Yuusuf iyo Isimada Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Villa Somaliya waxa ay lagu soo waramayaa inay aad u wada jeex jeexeen xaaladaha haatan ka taagan gudaha Muqdisho sidii wax looga qaban lahaa,isaga oo C/laahi Yusuuf u soo bandhigay wax garadka Muqdisho inay Dawlada Somaliya kaalin xoogle ka qaadatay sidii is bedel loogu samayn lahaa Magaalada Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka ayaa u sheegay Madaxweyne Cabdulaahi in ay dowladiisu qabtey waxyaabo la taaban karo ,ayna uharsan yihiin howlo badan oo baaxad leh ayna horyaalaan Xasalinta amaanka laga bilaabo Caasimada ilaa heer Tuulo iyo dibu heshiisiin balaaran oo ayna sugeysa Madaxweyne Yuusuf sidii uu dhaqaajin lahaa in Dalka oo idil laga dhaliyo Dibu hashiisiin baaxadle.

Dhanka kale waxa la soo sheegayaa inuu C/laahi Yuusuf iyana kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Dawlada Somaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho, kulankaasi dhex maray Saraakhiisa iyo Madaxwayne Yuusuf ayaa  la shaaciyay inay aasaas u ahayd sidii ay wax uga qaban lahaayeen dadka qaska iyo Labka ka wada Caasimada Muqdisho.

Madaxwayne Yuusuf ayaa amaan u soo jeediyay dhamaan Ciidamada Dawlada Somaliya isaga oo sheegay inay intii ay Dhisnayd Dawlada Somaliya ay wax badan ka qabteen Xaaladaha Amaan gaar ahaan tan Caasimada Muqdisho oo ahayd goob aan laysku halayn karin.

Sida ay sheegeen warar xo-gogaal ah oo ku dhaw Aqlka Villa Somaliya Madaxwayne C/laahi Yuusuf ayaa la filayaa inuu u boqoolo Magaalada Baydhabo ee fadhiga u ah Baarlamaanka Somaliya.

Jaamac AYaanle Feyte

Maakhir.com/Bosaaso