t.jpgMuqdisho:-Kumanaan Ruux oo la sheegay inay yihiin kuwa Tahrib ah ayaa gaadhay xarunta Dalka Jabuuti ee  Jabuuti waxana la soo tabinayaa inay ahaayeen kuwa ka soo Barakacay dagaalada Sokeeye ee ka hulcaya caasimada Dalka Somaliya ee Muqdisho.

Dhalinyaradan oo u badan kuw ka tagay magalada Muqdisho ayaa hadana waxaa ku biiray qaar ka mida dhalinyarada ku nool degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose kadib markii ay sanadihii tagay ay u soo go’iwaayeen dalagii beraha.
 
Waalidiinta Dhalinta ka tagta degmada Afgooye ee Gobolka  Sh/hoose ayaa bilaabay in ay berahooda u iibiyaan si ay ugu soo shaqeeyaan dhalinyaradooda taasoo laga ayaabo in dhibaato badan ay keento arintaasi.

Dhanka kale waxa beryahan yaraaday dadkii ka iman jiray  dalka Ethopia oo loo aqqon jiray oromada  kadib markii la adkeeyay dhan xeebaha bariga somali oo ay hadda ka hor ku soo xidhan jireen laashashka qaada dadka u tahriibaya dalka yamen iyo sucuudiga

Cadnaan Cabdi Casiis Cilmi Dhoolay
Cadnaan_cabdi@hotmail.com