dddddd.jpgBosaaso:-Saaka Waaberigii ayaa dadweynaha magaalada Boosaaso waxay ka war heleen kor u kac dhinaca sarifka dollarka ay Iyadoo 100$ uu saaka ka marayo suuqyada Sarifka Bosaaso 2580,000 So Halka gacanta danbena uu ka yahay 2600,000 Sh.So.

 

Qaar ka mid ah safirlayaasha magaalada Boosaaso oo aanu wax ka weydiinay sarifka waxyaalaha sababay inuu kor u kac ku yimaado iyagoo ka gaabsaday in magacooda la xuso ayaa waxay sheegeen inay sabab u tahay lacago horey dalka u galay oo dhawaanahan si teelteel ah dalka ugu soo labanay ayaa sababay kor u kacaan ,waxay sidoo kale intaasi raciyeen in xilligan wax dhoofinta ay aad u yartahay & weliba  in la helo dollar tiro badan

 

Sariflayaasha ayaa maamulka Puntland ku amaanay inay joojiyeen lacagihii awal keenay sicirka kor u kacay ee la daabici jiray taasi oo ay sheegeen in maalmihii u danbeeyay la dareemayay balse iminka kor u kacani uu sabab u yahay in lacagihii hore ay siweyn suuqa u soo galeen oo aysan isla eekeyn dollarka & shilling Somaliga

 

Sariflayaasha ayaa waxay kaloo sheegeen in xilligan ay aad u adagtahay in sarifka dollarka uu heerkiisii hore ku soo laabto waxaase ay xuseen in laga yaabo in uu heerka ka kor maro

 

Magaalooyinka kale ee Puntland Sida Qardho, Garoowe, Gaalkacyo, ayaa waxaa laga dareemayaa inay ka yara hooseeyaan heerka sarifka ee boosaaso wax aan sidaas u buurneyn

 

Mar walba oo la dareemo kor u kac dhinaca sarifka dollarka ayaa waxaa kor u kac wayn uu ku yimaadaa Maceeshada Daruuriga ah taasoo sameyn weyn ku yeelata Dadka Danyarta ah

 

Ilaa iyo hada ma muuqato arintani wax hadal ah oo  ah dhanka  maamulka Puntland iyada oo ay soo baxayaan baaqyo ay soo jeedinayaan dhamaan dadka dan yarta ah oo ka cabanaya sicir bararkaasi.

 

 

jaamac Ayaanle

Maakhir.com/Bosaaso