h7.jpgNew York:- Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia, Ahmedou Ould Abdallah ayaa waxa uu sheegay in beesha caalamku ay diiradda saarto sidii lagu dhameyn lahaa dhaqanka in dadku dambiga gala ay is yiraahdaan cid kaa daba imanaysa ma lahan, masuulkaasi hadlkaasi waxa uu ka jeediyay isaga oo war baahinta war siinayay mar uu joogay Magaalada New York.

Wakiilku waxa uu sheegay in haddii la doonayo in Somalia lagu soo celiyo nabad iyo kala danbeyn inay ay tahay in dadkii dambiyada mas’uulka ka ahaa la horgeeyo cadaaladda iyo sharciga, si loogu qaado nabiga ay galeen isaga oo ku cel celiyay inay jiraan kuwa xasuuq ba”an ka gaystay dalka Somaliya

Ahmedou Ould Abdallah, ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, waxa uu ku sheegay inay Somalia aanay ka jirin rabitaan siyaasadeed oo dadkii mas’uulka ka ahaa dhibaatada lagu soo qabanayo.

“Waxa uu yiri Soomaalidu waxay aamminsan tahay in Q.M aanay dan ka lahayn, oo ay ka sooceyso wadamadda kale balse arinkaasi uu yahay mid aan xaqiiqda u dhawayn.

Wakiilka gaarka ah waxa uu soo dhaweeyay kordhinta hawsha ciidamada AMISOM ee Golaha Ammaanku ku kordhiyay lix bilood Arbacadii, laakiin waxa uu sheegay in aanay wax sidaa u sii weyn ahayn oo ay wali dalkii ka hol cayaan dagaalo iyo Barakac aan xad lahayn.

Ahmedou Ould waxa uu ugu baaqay garab yada siyaasada Somaliya ku loolamaya inay ka dayaan dalka Dagaalada oo ay eegaan dhanka wada hadalka si dalka looga saaro dagaalada.

 

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com