tahrib.jpgLaasqoray:- ku dhawaad ilaa 100- Ruux oo Muhaajireen ah ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Laasqoray ee ka tirsan Gobolka Sanaag, tahriibayaashi waxay markii hore ka soo Boqooleen Magaalada Bosaaso ee caanka ku ah dhoofinta Tahriibta, inta badan dadkaasi waxa loogu sheekeeyay inay tegayaan Dalka Yeman iyaga oo markii danbe laga dejiyay Magaalada Laasqoray.

Sida ay sheegeen dadka Deegaan Laasqoray Tahriibayaashaasi waxay la socdeen dooni yar oo ka Boqooshay goobta laga daad gureeyo Tahriibta ee ku taala Duleedka Magaalada Bosaaso,kuwaasi oo markii ay doonta soo raacayeen loo sheegay in la gaynayo Dalka Yeman balse hadhaw laga dejiyay xeebta Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Cali Cabdi Cabdi Ibraahim  oo ka mid ah dadka Deegaanka ayaa BBC- u sheegay inay dadkaasi tiradoodu gaadhayso ilaa 100- Ruux oo isugu jira Haween iyo Rag kuwaasi oo ay wajiyadooda ka Muuqtay Diif iyo dhibaato xoogan, iyaga oo mudo soo maryay Xeebta oo hadba meel laga dejinayay.

Cali Cabdi waxa uu sheegay inay markii ay ka war heleen  Muhaajiriintaasi ay  fidiyeen Gar Gaar iyaga oo loo soo dada gureeyay Gudaha Magaalada Laasqoray waxana cunto iyo hooyba u keenay dadka Deegaanka Laasqoray oo arintaasi lagula kacay Muhaajiriintaasi aad uga  xumaaday.

Dadkaasi maanta Laasqoray soo gaadhay waxa ku jira Carruur yar yar iyo Haween kuwaasi oo ka walaacsan arinta ay ku sameeyeen dadkii ka qaatay Lacagta oo watay Doonyahay saarneeyeen.

Dhanka kale dadka Deegaanka Laasqoray ayaa sheegay inay dadkaasi ku daad guraynayaan Baabuur si loogu celiyo Magaalada Bosaaso oo ay horay uga soo kicitimeen, iyaga oo Qarashka Baabuurtaasi ay gacan ka gaysteen wax garadka Deegaanka Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Maha markii kowaad ee Deegaanka Laasqoray ay soo gaadhaan Muhaajiriin noocaasi oo kale ah e waxa jirta inay sanadkii 2003- ay dooni siday Tahriib ku soo caariday meel u dhawa Xeebta Laasqoray halkaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad ilaa 50- Ruux.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com/Bosaaso