cairo.jpgCairo :- Xubno isugu jiray Baarlamaanka iyo Diplomaasiyiin ka tirsan wasarada arimaha dibada ee Dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa siminaar soconayey muddo tobon maalmood ugu soo gabagaboobay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Mas’uuliyiintan ka tirsan Dawladda Soomaaliya ee Siminaarku Qaahira ugu dhamaaday oo tiradoodu ahayd sagaal iyo toban xubnood ayaa waxa ay Machadka daraasadka Diplomaasiyada ee ay leedahay wasaradda arimaha Dibadda ee Dalka masar ku barnayeen madooyin ay ka mid ahayeen, Xuquuqul Insaanka, baratakoolka, Dimoqradiyada, Siyaadda iyo xirirrka caalmiga ah iyo kan goboleed.

Siminaarkan ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta dawlada ee ka kala socday barlamanka iyo wasaradda arimaha dibadda oo ahaa mid heerkiisu sareyey ayaa waxa halkaas duruusta ka siinayey shaqsiyaad iyo Diplomasiyyin caan ah oo ka tirsana wasarada Arimaha Dibadda masarida iyo gudiga Arimaha dibadda ee Baarlamanka Dalka masar,waxaana dhamaadkii Siminaarka xubnahaan shahaado Gudoonsiiyay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Masar Md.Ahmed Aboul Gheit.

Xubnahan Dawlada ayaa waxaa kala hogaaminayey dhinaca Baarlamanka Marwo Xaawo C/laahi Qayaad oo ah madaxa Gudiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamanka KMG , iyadoo dhinaca Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliyana uu Hogaaminayey Md, Bashiir Sh. Ibraahim, waxaana diplomaasiyiinta ka qaybgalay siminaarkaasi ka mid ahaa Md. Mahdi Abuukar maxamed oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan, Md. Xasan Rooble Axmed oo ka tirsan Safaradda Soomaalida Kenya. Waxaa kele oo Diplomaasiyiintaasi ka mid ah,Md. Maxamed Sayid Xasan ,Md. Axmed Maxamed Siyaad, Md. Yaasiin Yuusuf Cabdi , Md. Cabdi Xaamid Maxamuud Cabdi, Md. Farxaan Sh. Cabdi iyo Md.Axmed Maxamed Ibraahim oo dhamantood kala mataleyey wasaaradda arimaha Dibadda iyo safaradaha Soomaaliya ku leedahay Dalaka Indoniisiya, Uganda .

Masu’uuliyiintan ka tirsan dawladda Soomaaliya waxay intii ay joogeen Dalka Masar kulamo kala gadisan la yeesheen , xubno ka tirsan labada gole e Barlamanka iyo wadatshiga ee dalka masar, golaha Xuquuqul insaanka Dalka masar iyo Diplomaasiyiin ka tirsan iyaguna Jaamacadda Carabta, iyagoo dhamanba mas’uuliyiintii ay is arkeen ay isla sooqadeen arimo kala gadisan oo tabanayey xiriirka labada Dalka Soomaaliya iyo Masar, Arimaha Jaaliyadda Soomaalida ku Nool Dalka Masar iyo guud ahaan xaalada nabad galyada ee Soomaaliya iyo guud ahan tan geeska Afrika.

Ismaaciil Saxaaf
saxaaf@hotmail.com
Qaahira-Masar