mmmmmmmmm.jpg Hadaaftimo:- Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka Sanaag ayaa isku hor fadhiya caawa goob u dhow Degmada Hadaaftimo iyadoo ay xabadu dhici karto daqiiqad kasta  iyadoo ay taasi dheer tahay in labada ciidanba ay aad u hubeysan yihiin.
Goobta la isku horfadhiyo ayaa waxaa lagu magcaabaa Kal-Gubataa oo dhinaca Galbeed ka xigta Degmada Hadaaftimo iyadoo ay ciidamada Deegaanku isku fidiyeen dhamaan buuraha Hadaaftimo oo ay hore Jabhadii SNM dhibaato weyn u geysey markii uu socdey dagaalkii ay kusoo qaadeen deegaanada reer Maakhir dhamaadkii 80tii.
Ciidamada Deegaanka ayaa waxaa hogaaminaya Col Cabdulahi Cumar Cashuur iyadoo ay sidaas oo kale ciidamada Somaliland ay yihiin kuwo laga keeney Magaalada Berbera oo ku gaashaaman baabuurta Dagaalka.
Cabsi xoogan ayaa ka jirta Dhamaan Gobolka Sanaag iyadoo ay odayaal dhaqmeed maanta ku guul dareysteen iney dib u celiyaan ciidanka Somaliland oo doonaya inuu soo galo Magaalada Badhan kana gudbo oo qabta dhinaca Magaalada Galgala ee Gobolka Bari.
Dhaqdhaqaaq milateri ayaa waxa uu ka socdaa gudaha Magaalada Badhan iyo magaalooyinka Xingalool,  Ceelbuh iyo Dhahar oo sida naloo xaqiijiyey dhamaan magaalooyinkaas oo idili ay dagaal isu diyaariyeen.
Ciidamo gur mad ayaa goor dhoweyd gaarey goobta la isku hor fadhiyo iyadoo goor aanu la xiriirney saraakiisha difaaca ay noo xaqiijiyeen in maanta ay tahay maalin loo midoobo difaaca Gobolka.
Sidaas oo kale ayaa waxaa soo baxay Qeylo dhaan ka timi wax garadka Deegaankaa oo isugu jira kuwo maamul iyo kuwo dhaqmeed iyagoo ICLAAMIYEY IN GOBOLKU KU JIRO XAALAD DAGAAL OO LOO BAAHAN YAHAY QOFKASTA OO AY  KU JIRTO WADANINIMO INUU U ISTAAGO DIFAACA DHULKA

Maakhir.com/ Hadaaftimo