ken.jpgNairobi:- Wararka aanu ka helayno Magaalada Nairobi ee Dalka kenya ayaa sheeagaya inay Ciidamada la dagaalanka Argagixisadu ay dib uga guureen Xuduuda uu Dalka kenya la wadaago Dalka Somaliya,iyaga oo horay Ciidamadaasi ugu sugnaan Xuduudaasi, waxa la sheegay inuu qorshahaasi ay uga Guureen uu yahay mid ah Amar sare oo kaga yimi dhanka Dawlada.

Ciidamdii deganaa xudaha u dhaxeeya Kenya iyo Somalia ee loo yaqaan    R.D.U ayaa goobihii ayaa deganaayeen oo  meelo badan ahaa  ka guuray ku waa soo la sheegay in dhibaatooyin fara badan ay ku heyn jireen  dadka  Somalied ee isaga kala gooshayey Kenya iyo Somalia, waxa la sheegay inay Ciidamaasi celin jireen Qaxootiga ka soo Boqoola Dalka Somaliya iyaga oo ku mari jiray inay dib ugu noqdaan Dalka somaliya oo ah Goob aan Xasilooni ka jirin.

Waxa jira inay Ciidamaasi maal galin jirtay Dawlada Dalka Maraykanku taasi oo qorshaheedu ahaa inay Geeska Afrika ka ugaadhsadaan Waxa loogu yeedho Argagixisada Caalamiga ah oo had iyo jeer lagu eedeeyo inay ku dhuumaalaysanayaan Gudaha Dalka Somaliya.

Dadka Degan goobahaasi ayaa sheegay inay hal mar ku war heleen Gooba badan oo ay Ciidamaasi Degenaayeen oo Cidla ah kuwaasi oo ka uruursaday Qalabkoodii, dadkaasi waxay kaloo sheegeen inay ciidamadaasi  ay Boqooleen Saldhiga wayn oo ku yaala meel xeeb ah oo ka tirsan Dalka kenay.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay aad ah u soo dhawaynayaan Geediga Ciidamaasi oo ay sheegeen inay Culays wayn ku hayeen iyaga oo Baadhitaano iyo Caga juglayn xoogan ku wada Had iyo jeer.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maaakhir.com