xaaaaaa.jpgBdhan:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Md-Axmed Cali Xaashi oo haatan Booqasho rasmi ah ku jooga Degamada Badhan ayaa sheegay inay meel fiican u marayso Kulamadii uu lalahaa wax garadka Deegaanka,kuwaasi oo ku aadanaan sidii xaalada Gobolka Sanaag looga dhigi lahaa mid salka ku haysa mid Degan, kadib markii mudooyinkan ay qululato ku wadeen Maamulka S/land.
Gudoomiyaha golaha wakiilada dawlad Goboleedka Puntland Axmed Cali Xaashi wuxuu dhanka kale ka hadley socdaalka uu ku joogo degmada Badhan mid ka mid ah wasiirada maamulka Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Sanaag, wuxuuna ku tilmamay socdaalkaasi in uu yahay mid shaqsi ah oo aanu ku imaan ninkaasi wasiirka ah ujeedo ama hawl maamul oo uu maamulka Gobolka ku soo wargaliyey socdaal ku imaanayo degmada Badhan iyo in uu u imaanyo arimo tacsi gashey qoyskiisa uu loogu yeeshay inuu ka soo qayb galo.
 Waxaana Gudoomiyuhu uu meesha ka saarey in ninkaasi uu u socdo hawlo Maamul oo uu ka wado gobolka isaga oo farta ku fiiqay inay Gobolka gacanta ku hayaan Ciidamo ay qoondeeyeen wax garadka Deegaanku kuwaasi oo ujeekoodu yahay inay Dalka ka difaacaan wixii Maja xaabinaya Amaanka Gobolka.
Axmed Cali Xaashi oo war baahinta gudaha la hadlayay ayaa sheegay inay kulamdii ay qaadeen iyaga oo Duqayda Gobolku ay soo baxeen midho dhal fiican oo wax ku ool ah walaw uu til maamay Mr Xaashi in Maamulka Puntland ay dadka Deegaanku  u soo jeediyeen  dhaliilo ku aadan wax qabasha la”aanta Gobolka ay tibaaxeen in Maamulka uu ka gaabiyay ka qayb qaadashada Hormarka Gobolka oo idil,taasina waxa uu ku til maamay Gudoomiyihu inay iska af garteen iyaga oo Duqayda Gobolku.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com/Bosaaso