sa.jpgGaroowe:- Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay Falkii shalay Galinkii danbe ka dhacay Agagaarka Magaalada Garoowe kaasi oo ahaa Tacshiirad dhex maray Ciidan Ilaalo ka ahaa Shaqaale Ajaanib ah oo ka Tirsan Q.M iyo Koox Budhcad ah oo Qorshahoodu ahaa  inay Afduubaan Shaqaalahaasi, Puntland waxay sheegtay inay ragaasi Falkoodii ku Guul daraysteen.

Gen C/laahi Siciid Samatar Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in kooxo jidgooyo u dhigtay  ay israsaaseeyeen ciidamo ka tirsan Booliiska kuwooda loo yaqaan S.P.U oo galbinayey Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay kuwaasi oo ay Tacshiiradoodu socotay mudo gaaban

Masuulkaasi Puntland u hadalay waxa uu sheegay in ragii Budhcada ahaa lagu dhuftay Dharbaaxu xun kuwaasi oo laga dhaawacay laba ruux oo ka mid kuwii falkaasi maleegay halka mid kalen ay Ciidanku Gacanta ku dhigeen.

Wafdigan ayaa waxaa kamid ahaa xubnihi la socday Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Amniga iyo kuxigeenka Wakiilka arrimaha Bini’aadamka ee Qaramada midoobay xafiiskeeda Soomaaliya, kuwaasi oo hawlo dhaqo ugu booqlay Degmooyin ka tirsan Gobolada Puntland.

Falkaasi ayaa shalay Casar liiqii ka dhacay Tuulada Sunajiif ee ku taala Duleedka Magaalada Garoowe waxana la soo sheegayaa inay ragaasi Budhacad ahi ahaayeen kuw doonayay inay Afduubtaan Shaqaalahaasi Ajaanibka ah Balse ay u suuroobi wayda ka dib markii ay iska Caabiyeen Ciidankii la socday waftigaasi.

Falkan ayaa ku soo aada xili uu Magaalada Bosaaso soo gaadhay Wakiilka Gaarka ee Q.M u qaabilsan arimaha Somaliya  Ahmedou Abdallah isaga oo Maamulka Puntland kala hadlidoona arimo badan oo ay ugu wayntahay Adkaynta Amaanka.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com