abda.jpgBaydhabo:- Sida ay sheegeen warar si Duur xul ah LaasqorayNet- u soo gaadhay waxa la filayaa inuu Saacadaha soo socda uu magaalada Baydhabo Gaadho wakiilka Gaar ah ee Q. M u qaabilsan arimaha Dalka Somaliya Ninka lagu magcaabo Ahmed Ould Abulah oo isagu mudooyinkan Safara ku marayay qayb ka tirsan Dalka Somaliya,waxa la filayaa inay halkaasi kulamo Xasaasi ah ku yeeshaan Masuuliyiinta D.F.S.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga Qaramada Midoobey ka socda ee uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxaana wadooyinka Magaalada lagu xardhay calaamada qaramada midoobey,iyaga oo ay Amaanka aad u sugayaan Ciidamada Dalka Itoobiya iyo waliba kuwa dawlada Somaliya.

Sida ay noo xaqiijiyeen Ilo wareedyo muhiim ah Ahmed Ould iyo Masuuliyiinta Dawlada Somaliya ayaa kulan Xasaasi ah wada qaadan doona iyaga oo la sheegay inay aad uga wada hadlayaan Amuuraha ugu danbeeyay ee Dalka Somaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa adkaynta Amaanka Magaakada Caasimada ah ee Muqdisho.

Ahmed Ould Abdulah ayaa horay waxa uu kulamo ula soo qaatay Masuuliyiinta Maamulka Puntland isaga oo shir dheer wada qaadeen Madaxwayne Cade Muuse, dad kulankaasi dhex maray labadaasi Masuul ku dhawaa ayaa sheegay inay Puntland Q.M u gudbisay Baahideeda.

Wakiilkan Gaarka ah ee amuuraha Somaliya ayaa waxa la shaaciyay inuu daraasad ka diyaarinayo xaaladaha Dalka Somaliya si loo hordhigo fadhiga ay Q.M yeelan doonaan horaanta Bisha Fooda inagu soo haysa.

Wararka oo dheeraad ah ayaa sheegay inuu Masuulkaasi ka socda Q.M booqan doono  Degmaayin ku yaala Koonfurta Dalka Somaliya halkaasi oo Degan yihiin Kumanaan Qaxooti  Somali ah oo ka Baracay dagaalada ka oogan Magaalada Muqdsho.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com