dir8.jpgMuqdisho:- Madaxwaynaha Dawlada Somaliya C/laahi  Yuusuf Axmed ayaa maanta magcaabay ilaa 4- Safiir oo cusub kuwaasi oo la sheegay inay xilal ka soo qabteen Dawladii hore ee Somaliya iyo waliba tan haatan uu hogaamiyo C/laahi Yuusuf, safiiradaasi waxa maanta lagu dhaariyay Villa Somaliya iyaga oo waliba lagu dar daarmay inay umada Somaliyeed u adeegaan.

Safiiradan ayaa waxa magcaabistooda ku dhawaaqay Madaxwayne Yuusuf isaga oo sheegay in looga baahan yahay Diblomaasiyeentaasi maanta la magcaabay inay Shacabka Somaliyeed ee jooga wadama loo xil saaray ay garab galaan oo ay la qabtaan wax alaale wixii ay uga soo baahdaan Dawlada Somaliya.

Madaxwayne Yuusuf ayaa goobtaasi lagu magcaabay safiiradaasi ka jeediyay khudbad dheer isaga oo aad uga sheekeeyay muhiimada ay leedahay in Safiirada loo magcaabo dadlalka kuwaaso oo uu sheegay Mr Yuusuf inay kaalin xoogle ka qaataan taakulaynta umada Somaliyeed ee qurbahada ku nool.

Madaxwayne  Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay suura gashay in dalalkan soo socda loo magcaabo Safiiro cusub, kuwaasi oo ka mid yihiin Dalka Suudaan, Qadar,Turkiga iyo swezerland, Mr  Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay inay Safiiradaasi boodhka ka jafaan safaaradihii hore ee Dawladii dhexe ee Somaliya.

Safiirada la magcaabay maanta ayaa magacyadoodu waxay kala yihiin.

1- Ismaaciil Qaasim Naaji    Safiirka Dawlada Somaliya ee  Qadar

2- Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ku magac dheer (Bari Bari)  Safiirka Dawlada Somaliya ee Swezerland.

3- Mahdi Abuukar Safiirka Dawlada Somaliya ee Suudaan.

4- Maxamed Aadan Safiirka Dalwlada Somaliya ee Dalka Turkiga.

Hadaba waxa iyana halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay Safiiradaasi la magcaabay maanta iyaga oo balan qaaday inay soo celinayaan xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dawlada Somaliya iyo Dalalkaasi  maanta loo magcaabay Safaaradahooda, waxay kaloo sheegay inay gacan qabanayaan umada Somaliyeed.

Jaamac AYaanle Feyte

Maakhir.com/Bosaaso

Advertisements