mmmmmmmmmm.jpgKuala Lumpur:Doorashooyin Xor Ah  ayaa Lafilayaa Inay 8-da Bishaan Ka Dhacaan Guuda ahaan Dalka Malaysia,adoona haatan dalka Ay Ka Socoto Qaban Qaabo Xoogan Oo Ku aaday doorashooyinka lafilayo inay ka dhacaan,
Shacabweynaha Malayisa ayaa Iyaguna Ku Baaqay Inay Doorashooyinku Dhacaan Xiliga Loogu Talagalay ee ayna Dib u Dhac Halmaalin ah oo kaliya Xitaa Aysan Dhicin,Isla Markaan Laqabto xiliga Dhabta ah ee shaaca laga Qaaday In Laqabanayo Oo Haatan Maalmo Oo Kalia Ay Naga Xigaan,
Doorashooyinka Ayaa Shaaca Laga Qaaday Inay Dalka Ka Dhacayaan 8-da Bishan March ee Haatan Noobilaabatay Iyadoona Sanaadiiqda Cod bixinta La Dhigi Doono Ilaa 12 Goobood oo dadweynuhu ay codadkooda Ku Dhiibandoonaan,
Ilaa Hada Waxaa Isa Sootaraya Musharaxiinta,Ilaa iyo Hada Waxaa ugu Cad Cad Musharaxiinta Raysulwasaaraha Haatan Dalka Haye C/llaahi Axmed Badaawi Iyo Raysulwasaaridii Hore ee dalka iyo kuso kalayto,
Xaafadaha Kala Duwan Ee Dalka ayaa La Soo Dhoobay Borar ay taageerayaashu ku amaanayaan Musharaxa ay iyagu taageerada gaarka ah siinayaan ayagoona amaano gaar ah u soo jeedinaya midba musharaxa uu taageerada la garab taaganyahay,
Musharaxiinta Kala Duwan ayaa Iyaguna Waxaa ay Dadaal Xoogan Ugu Jiraan Siduu Musharaxba Musharaxiinta Kalayto Bulshada Indhahooda Uga Soo Jiidanlahaa,
Raysulwasaarihii Hore ee dalka oo haatan ka mid ah Musharaxiinta ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Hadii Shacabweynha Malaysia ay doortaan In uu Dalka Ku Xukumidoono Ku xunka Diini ah,isagoona shaaca kaqaaday in uu dalka Ka Sifaydoona Dhamaan Dumarka Jirkooda Ka ganacsada oo haatan xarumo gaar ah ku leh dalka,iyo waliba inuu dalka ka manuuci doono dalka raga ku la bista dharka Dumarka isuna ekaysiisa qaab dhismeedka dumarka,ayadoona haatan dadweyne aad u badan ay isla markiiba taageero siiyeen sawiradiisana lagu arki karo koobo badan oo caasimada Malaysia ee Kuala Lumpur Lagu arki karo,
Musharax isna daageeradiisu marka lasaadaaleyo ay aad u liidato ayaa isna waxaa uu hadal uu shacabka ku soo jiito ka dhigtay inuu talaabo ka qaadi doono dadka ajaanibta ah ee dalka soo galaya uuna xukun ku soo rogi doono,ayadoona arintaa dad ajaanib ah oo dalka ku sugan at aad uga carasiisay in kasto dadka ajaanibta qaarkood aysan codka dhiiban karin oo dalka ay fiiso oo kaliya ay ku joogaan,
Sikastaba ha,ahaate waxaa laga war sugayaa xiliga doorashooyinka iyo cida ay shacabku codka u badiyaan,

Maakhir.com/ Bosaaso

Advertisements