ric.jpgNew York:- Xoog hayaha Amuuraha dibada ee Dalka Maraykanka haweenayda lagu magcaabo Condolleza Rice ayaa booqasho rasimi ahi waxay uga bilaabatay Gobolka ee ay dagaaladu aafeeyeen ee Bariga Dhexe,iyada oo ka hor intii aan safarkaasu u duulin saxaafada la hadashay, waxayna sheegtay inay booqashadeedu salka ku hayso Nabad ku soo dabaalida Gobolkaasi.

Rice ayaa war fidiyeenada kula hadashay Magaalada New York waxayna Cararbaatay inay booqasheedaasi ay damisnayso dagaalada ka oogan Gobolka Bariga Dhexe,waxay sheegtay inay si Gooni Gooni ah ula hadlayso Falastiin iyo Isra”il kuwaasi oo ku buurinayso inay joojiyaan dagaalada soo jireenka ah ee Gobolkaasi ka taagan.

Concoleezz Rice ayaa waxay kaloo sheegtay inay dhawor jeer oo hore ay booqatay Gobolkaasi balse ay oo fin waayeen Balan qaadyadii ay la galeen dawlada Maraykanka oo ahayd inay joo jiyaan Dagaalada kana daayaan shacabka Barakac iyo walaaca joogtada ah.

Mss Rice waxay farta ku fiiqday  in hadii ay Labada garab ee dagaalka soo jireenka ahi u dheexay ay hashiis waara kala qaataan  ay hubaal tahay in Gobolkaasi Nabad buuxda laga dhaliyo.

Condoleezza Rice waxay la kulmi doontaa Madaxweynaha Falastiiniyiinta Max’uud Cabaas, Ra’isalwasaaraha Yuhuuda Ehud Olmert iyo Madaxweynaha Masar Max’ed Xusni Mubaarak iyadoo isla jeex jeexi doona dib u soo nooleynta geedi socodka nabada Bariga dhexe ee hada sii dhamaanaysa.

Jaamac AYaanle Feyte

Maakhir.com