shabelle.jpgMuqdisho:- Idaacada Shabelle ayaa maanta dib u heshay Qalabkedii Idaacada ee ay dhawaan ka qaadeen Ciidamada Dawlada Federaalka Somaliya,kuwaasi oo Shabelle u eedeeyay inay Faafisay warar aan la ogaysiin Daw;ada Somaliya taasina ay keentay in Gudaha Idaacada ay soo Galaan ciidamada DFS kuwaasi oo dhamaanba qaatay qalabkii Idaacada.

Ciidamada dowlada DFKM labdii bishaan aynu ku jiro xarunta Shabkadda Warbaahinta Shabelle ay ka qaateen qalab muhiin u ah idaacada habsami u socodka howlaha idaacada ,ka dib markii si xoog ah ku soo galeen xarunta idaacada Shabbelle ayaa maanta dib loogu soo celiyay dhamaan qalabkii ciidamada dowlada DFKM ay dhawaan ka qaateen xarunta idaacada Shabelle ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Idaacada Shabelle Mukhtaar  Maxamed Hiiraab ayaa lagu doon siiyay qalabkaasi laga qaaday Idaacada Dhawor cisho ka hor, Agaasimaha oo ay saaka hiirtii waa Bari u yeedheen saraakiisha ciidamada Dawlada Somaliya  kuwaasi oo ku wareejiyay dhamaan qalabkii laga qaaday Idaacada Shabelle.

Soo celinta Qalabka Adeeg ee Idaacada Shaballe ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyay Dhamaan Shacabka Somaliyeed ee ku nool gudaha Dalka Somaliya kuwaasi oo sheegay inay Idaacada Shabelle ay kaalin wayn ugu jiroto Bulshada Somaliyeed.

Dhamaan hawlihii Idaacada ayaa maanta oo Salaasa ah si toosa uga bilwaday Xarunta  Idaacada ee Magaalada Muqdisho,waxana dhamaan soo xaadiray shaqaalihii Idaacada oo halkaasi mudo ka maqnaan ka dib markii ay qalabka qaadeen Ciidamada DFS

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com

Feyte37@hotmail.com