dhga.jpgGaroowe:- Mid ka mid ah Musharaxiinta u Tar tamaysa kursiga Puntland  oo lagu magcaabo Jamaac Salaad Dhega Dheere ayaa xalay Saqbadhkii koox hubaysan ay ku weerareen gurigiisa kuwaasi oo rasaas oo da gaga qaaday Masuulkaasi,waxa dhacaday inay fooda is daraan Ilaalada Musharaxaase iyo Kooxda soo weerartay, iyaga oo mudo saacad ah is dhaafsanayay Rasaas xoogan.

Jaamac Salaad Dhega dheere oo ka mid ah Musharaxiinta Madaxtinimada ee Puntland ayaa gurigiisa ay weerar ku qaadeen Kooxo hubeysan ,lamana sheegin cid wax ku noqotey, balse kooxdaasi ayaa waxa la sheegay inay ku hubaysnaayeen Qorayaha loo yaqaan Ak-47.

Jamaac Salaad ayaa warbaahinta ka sheegay inay ragaasi hubaysan weerar buuxa ku soo qaadeen hooyga uu ka degan yahay Magaalada Garoowe,waxa uu sheegay inay kooxdaasi doonayeen inay khaarajiyaan oo ay fooda ku qaadaan Dhamaan ilaalada goobtaasi joogtay balse waxa mahad balaadhan leh Ilaahay oo suura galiyay inaan Kooxdaasi hubaysan iska cababino”Saas waxa yiri Jaamac Salaadh Dhege dheere

Mr Dhege Dheere waxa uu ka gaabsaday bal in uu wax tafaasiil ah ka bixiyo cid uu ku tuhmayo weerarkaasi,isaga oo til maamay inay uun ahaayeen kuwa ka soo horjeeda Musharaxnimadiis ku aadan Maamulka Puntland.

Weerarkan xalay lagu qaaday hooyga Musharaxaasi ayaa waxa si kulul u canbaareeyay dhamaan Shacabka ku dhaqan Gobolada Puntland kuwaasi oo sheegay inay Kooxdaasi ahaayeen kuwa rabay inay khal khal galiyaan geedi socodka la doonayo in Doorashooyin cadaalad ah  ay ka dhacaan deegaanada Puntland.

Dhanka kale wali Maamulka Puntland wax jawaab ah kama soo saarin falkaasi lagu beegsay Musharaxaasi oo ahaa mid si wayn looga hadal hayo dhamaan Deegaanada Puntland.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com