yuuuu.jpgMuqdisho:- Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday inay Dalka Somaliya ka safayn doonaan waxa uu ugu yeedhay Al-Qaacida, Mr Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay inay Dalka Maraykanka gacan lixaadle ku siin doonaan hawlgalka ay ku u gaadhsanayaan Al-Qaacida ku dhuumaalaysanasa gudaha Dalka Somaliya.C/laahi Yusuuf Axmed oo BBC-da qaybteeda dibadaha la hadashay u waramayay ayaa sheegay inay hubaal tahay inay Dalka Somaliya joogaan kooxa tababar ku soo qaaday Dalka Afqaanistaan kuwaasi oo gacan saar xoogan la leh Osama Bin-ladin, Madaxwaynuhu waxa uu sheegay inay kooxahaasi yihiin kuwa qaska ka wada gudaha Caasimada Somaliya ee Muqdisho.

“Shaki kuma jiro inay gudaha Somalia joogaan kooxu xidhiidh dhaw la leh A-Qaacida oo tababar ku soo qaatay Dalka dibadiisa waliba Afqaanistaan, kooxdaasi waxa fan gareeya Osama Bin-ladin hadafkoodu waxa weeyaan inay maja xaabiyaan dawlada Beesha Caalamka oo dhani taageertay balse taasi marnaba suuroobi mayso”Saas waxa yiri C/laahi Yuusuf Axmed.

C/laahi Yusuuf waxa uu si cad u taageeray Duqayntii maraykanka ee Dhooblay oo uu sheegay inay ahayd wax loo baahaan laga daba joogay kuwa Dalka ka wada Qaska iyo Foodad,waxa uu ku nuux-nuuxsaday in la sii wadi doono hawlkaasi lagu ugaadhsanayo Al-Qaacida.

Madaxweyne Abdullahi Yusuf waxa uu maamulaa oo keliya qeyb ka mid ah waddanka , laakiin waxa uu taageero ka helaa Mareykanka oo usii marsiiya xulafadiisa gobolka oo ah waddanka dersika la ah Somalia ee Ethiopia kuwaasi oo ciidamo gaadhaya Boqolaal kun oo Askari ay ka joogaan gudaha Dalka Somaliya.

Jaamac Feyte

Maakhir.com