kkkkkkk.jpgBosaaso:- Musharaxa koowaad ee u taagan Jagada Madaxtinimada Maamulka Puntland Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf ayaa maanta booqday goobo badan oo muhiim ah kuwaasi oo ku yaala isla gudaha Magaalada Bosaaso, Musharaxa ayaa dhulkaasi oo qoobka galiyay waxa uu kula kulmay dad aad u fara badan kuwaasi oo si diiran u soo dhaweeyay Prof-ka uga waramay dhamaan Baahidooda.

Musharax Muxiyadiin Cali Yuusuf ayaa waxa uu booqday gooba ay ka mid yihiin xarunta Cafimaadka ee dadka Bukaanka ah lagu daaweeyo, iyo goob kale oo ay leeyihiin dad Naafo ah iyo waliba dugsi caruurta wax lagu baro kaasi oo lagu magcaabo Daaru Imaan.

Booqashadan oo ah tii ugu horeysay nooceeda oo uu sameeyo qof musharrax ah ee isu soo taaga xilka madaxtinimada Puntland ayaa ahayd mid aad u muhiimsan isla markaana ay si weyn ugu farxeen dadkii ku sugnaa goobihii uu booqday musharrax Prof. Muxyidiin Cali Yuusuf, dhamaan dadkii uu goobahaasi kula kulmay ayaa waxay Prof uga wara meen xaladooda sida ay tahay iyaga oo sheegay inay waajib tahay in la doorto qof noocaas oo kale ah maadaama bay dhaheen uu dhex marayo dadka oo qof qof u waraysano.

Prof Muxiyadiin ayaa dadkii la kulmay waxa uu u sheegay inay kaalin lixaadle ka qaadanayo hadii la doorto Jagada Madaxtinimada Maamulka Puntland oo uu dabooli doono baahidooda ay qabaan iyaga oo sacab iyo niyad furan ku soo dhaweeyay markii uu hadalkaasi shaaca ka qaaday.

Prof Muxiyadiin ayaa goobta caafimaad uu booqday waxa uu kula kulmay gudoomisada Ururka goobtaasi gacanta ku haya AID- Mss Mahada Muusa  iyada oo warbixin dheer ka siyay Musharax hawlaha goobtaasi lagu qabto.

Haweenaydaasi waxay shaaca ka qaaday inay aad u soo dhawaynayaan Musharxaasi oo ay sheegtay inuu yahay muwaadin Reer Puntland ah isla markaan Musharaxiinta kale dheer dhex marka iyo kawar hanta Bulshada.

Musharax Prof Muxiyadiin  Cali Yuusuf ayaa waxa uu farta ku fiiqay inay waajib tahay in dadkaasi waxa loo qabto isla markaan qof kasta oo ku guulaysta Madaxtinimada Puntland looga baahan yahay inuu shacakiisa gacan siiyo e maha buu yiri in Caasimada uun ay Dawladu Degto.

Isku soo wada duuboo dhamaan Shacabka Reer Puntland ayaa waxay aad u saadaalinayaan Mushaxaasi Muxiyadiin Cali Yuusuf inuu noqonayo kan kaliya ee ku guulaysanayan Jagada Madaxtinimada Puntland markay arkeen qaabka ay u socoto Hawshiiso.

Jaamac Ayaanle feyte

Madax-wararka ee Maakhir.com