20071011043303soldadosetiopia203.jpgBeled-wayne:- Cutub ciidamo Itoobiyaan ah ayaa gudaha u soo galay magaalada Beled-wayne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,kuwaasi oo iyaga oo lug ah soo galay gudaha Magaalada waxa la sheegay inay baadhitaano xoogle ku wadaan gudaha Magaalada Beled-wayne,kuwaasi oo ugaadhsanaya Kooxo dhawaan Magaalada Gacan ku haynteeda la wareegay.

Ciidamada Ethiopianka ah ayaa waxaa ay xalayto fariisimo ka sameysteen saldhiga booliska 2-da buundo ee gudaha magaalada iyo fooqyada sare ee hotelada iyo guryo ay leeyihiin dadka shacabka ah, waxaana ay arrintani soo galitaanka ah walaac xoogan ka muujiyay dhamaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafadaha magaalada B/weyne.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii habeen hore weerar culus ay ku qaadeen magaaladaasi, kooxaha ka soo horjeeda joogista ciidamada Ethiopia ee Somalia iyo dowladda KMG ah , iyagoo dilay dhawr askari oo kuwa dowladda ah isla markaana sii daayay maxaabiis ku xirneyd xabsiga magaaladaasi.

Dhinaca kale ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, kadib markii halkaasi ay soo galeen muddo haatan laga joogo dhawr maalmood kooxaha ka soo horjeeda, iyagoo heystay muddo laba maalmood ah.

Magaalada Bele-wayne ayaa ah magaalo Is taraatiiji ah oo ku taala Koonfurta Dalka Somaliya waxana inta badan ka dhaca dagaalo joogta ah kuwaasi oo ay soo qaadaan Haraagii Maxaakiibtii Awoodooda lagu wiiqay Koonfurta Dalka Somaliya.

 

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir,com