Kambala:- Dawlada Dalkaasi Uganda ayaa walaac xun ka muujisay sii joogitaanka ciidamadooda ee Dalka Somaliya, Uganda waxay sheegtay inay aanay jirin wa dhaqaale ah oo ay ciidamadaasi u hayaan iyada oo taasina keeni karto niyada jab, ku yimaada ciidamadaasi nabad ilaalinta u jooga Dalka Somaliya,dawladaasi waxay sheegtay in hadii ay Dalka Somaliya ka baxaan ay soo xoogaysanayaan kooxaha ka soo horkeeda FDS.

Uganda Somalia waxaa ka jooga 1600 askari oo ka tirsan hawlgalka Midowga Africa ee Somalia AMISOM, waxayna horey u balanqaaday in inta hartay ciidamada 8000, ah loo baahan yahay ay iyadu keeneyso, kadib markii wadamada kale ay balantoodii ka soo bixi waayeen.

Wasiirka Gaashaandhiga Uganda Chrisbas Kiyonga wuxuu sheegay in Midowga Africa uu awoodi waayay inuu bixiyo lacagtii lagu daad gureyn lahaa iyo sahaydii ciidanka.
Waddanka kale ee kaliya ee u balan qaaday ciidan Somalia waa Brundi, iyana waxa halkaasi ay u direen 600 ciidamo ah.

Rajada ayaa aad uga  soo daraysa marka loo eego hadalka ka soo yeedhay Dalka Uganda iyo waliba Dagaalada ka sii oogan Somaliya, ma jiraan ilaa haatan cid si buuxda uga taageertay ciidamada Uganda xaga dhaqaalaha marka laga reebo kuwa ay soo fan garaysa Dawlada Dalkaasi ee Uganda.

 

 

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com/ Bosaaso