suuqa.jpgMuqdisho:- Sida ay xaqiijiyeen Ilo war gal ah oo ku sugan magaalada Muqdisho waxa daqiiqad ka hore Suuqa Bakaaraha iskaga baxay ciidamada Dawlada Somaliya ee mudooyinkan suuqaasi ku gadaamnaa, Ciidamadan ayaa la sheegay inay u guureen meel aan saasi uga fogayn Suuqa iyaga oo isha ka eegayana xaaladaha Guud ee Suuqaasi.

Lama garanayo Ujeedka ka danbeeyay inay Ciidamadaasi baneeyaan goobtaasi iyada oo ahayd markii ay galeen Maalintii jimaca ah, waxa jira iyana codsiyo badan oo ka soo baxay qaybaha kala duwan ee Bulshada rayid ka ah kuwaasi oo sheegaya in ciidamada DFS laga saaro Suuqaasi.

Ciidamada ayaa hada waxay ku sugan yihiin nawaaxiga Suuqa Bakaaraha, waxaana xaalada suuqa laga soo sheegayaa degenaansho,walaw ay jiraan baadhitaano xoogan oo ay si wada jir ah u wadaan Ciidamada Dawlada Somaliya iyo ay Saaxiibadayihiin ee Dalka Itoobiya.

Dad tegay Suuqaasi ayaa noo sheegay inay arkeen ciidamada Dawlada Somaliya oo gabi ahaanba ka soo baxay gudaha Suuqaasi iyaga oo gaaf wareegaya wadooyinka Suqaasi ku dhaw.

Galinta Ciidamad ee Suuqa Bakaaraha ayaa timi ka gadaal goortii Suuqaasi bartil maameed u noqday Kooxaha ka soo horjeeda Dawlada Somaliya kuwaasi oo tira ka dhawor jeer Dagaal Qadhaadhi halkaasi ku dhex maray iyaga iyo Ciidamada DFS.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com