nabadoon.jpgBosaaso:- Mid ka mid ah Nabadoonada Gobolka Sanaag ayaa ka hadalay Xadhiga loo gaystay Nabadoon Cabdi Faarax Cilimi,isaga oo daboolka ka qaaday inuu xadhigaasi ahaa mid aad sharciga uga fog isla markaana looga baahan yahay inay Maamulka Puntland raali galin  Deg Deg ah ka bixiyaan,Nabadoonka waxa uu sheegay inay ka Nabadoon ahaa dhawaan ka shir doonaan.

Nabadoon Maxamuud Xasan Maxamed ayaa oo ka mid ah Nabdoonada ugu caansan Gobolka Sanaag ayaa sheegay inay Maamulka Puntland ku gafeen xadhiga Nabadoonkaasi ee ay dhawaa Xidheen, waxa uu sheegay Nabadoonkaasi in si Sharci daro ah Gurigiisa looga kaxeeyay isaga oo aan waxba la Su”aaln la geeyay Jeelka.


Nabadoon Maxmuud Xasan Maxamed oo nala soo xidhiidhay ayaa shaaca ka qaaday inay Nabadoonada Gobolka Sanaag dhawaan shir Deg Deg ah ka yeelan doonaan Tacadigaasi lagu kacay Nabadoonka,waxa uu sheegay inay Maamulka Puntland in badan ay ku soo dheereeyee Nabadoonada Gobolka Sanaag, Balse arinkaasi dhawaan wax laga qaban doono.
Nabadoonka ayaa sidoo kale ka hadalay Doorka ay Maamulka Puntland ka ciyaaraan Gobolka Sanaag oo uu sheegay inay ka Gaabiyeen oo aanay waxa shaqo ah ku lahaya Talada Gobolka Sanaag isaga oo farta ku fiiqay inay Talada Gobolak Gacanta Nabadoonada Ku jirto.
 
Waxa uu dhaleeceeyay Hadafka ay Maamulka Puntland ka leeyihiin Gobolka Sanaag oo uu sheegay inay kula wareegayaan Qori dable,iyaga oo doonaya inay Colaad ka horiyaan Gobolkaasi oo haatan ah mid Nabdoon.
Hadalka Nabadoonka ayaa ku soo aadaya xili ay dhawaan Xidheen Maamulka Puntland Nabadoon Cabdi Faarax Cilmi,iyaga oo ku eedeeyay inuu maleegayay ciidamo ka dhan ah Maamulka Puntlnd oo fadhiisinkoodu yahay Magaalada sida wayn loo Ilaaliyo ee Majiyahan, Waa sida ay Hadala u dhigeen maamulka Puntland.

Ilaa iyo haatan wax jawaab ah ka bixin Maamulka Puntland xadhigaasi ay ugasteen Nabadoon Cabdi Faarax Cilimi oo ay dhawaan xidheen Ciidamo la sheegay inay ka Amar qaadaan wasiirka Amniga ee ee Puntland C/laahi Siciid Samatar oo inta badan la sheegay inay saaxiib dhawyihiin Cade Muuse,isla markaana ay isku beel ka soo jeedaan.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com