carmo_110407_1_1.jpgBosaaso:- War Si  Deg  Deg ah oo haatan war qabada warbaahinta Maakhir.com soo gaadhay ayaa sheegay inuu mar dhawady Shil Gaadhi oo lagu hoobtay ka dhacay Wadada laamiga ah ee  isku xidha Magaalada Ceel-Doofaar  iyo Magalaada Dekeda leh ee Bosaaso,waxa la sheegay inuu Gaadhigaasi ahaa mid Xamuul ah oo ku sii jeeda Magaalada Beled-wayne ee Gobolka Hiiraan.

Shilkan gaadhi ayaa  waxa ku geeriyooday ku dhawaad 5- halka ay ku dhawaac meen ilaa 13- Ruux oo u badan Carruur iyo waa yeel, dhamaan dadkaasi ayaa loo soo daad gureeyay Cisbitaalka Guud ee magaalada Bosaaso halkaasi oo haadan lagu daawaynayo wixii dhaawac ahaa.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud magaalada Bosaaso Dr. C/qaadir Tiitano oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheega inay dadkaasi ku jiraan kuw aad u liita oo ay xaaladoodu tahay mid Halis ah balse ay wali wadaan Dhakhaatiirtu dadaalo dheeraad ah.

Gaadhigan Gadoomay caawa ayaa la xaqiijiyay inuu u baxay Taayir isaga oo waliba u soconayay si xawli ah, waxana la cedeeyay inay ka dhacay meel Buundo ah oo Deegaankaasi lagu sheegay inay inta badan shilal ku galaan Gawaadhidu.

Waa shilkii noociisa oo kale ah oo mudo Bilaha ka dhacay agagaarka Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com