ggggggggggg8.jpgBosaaso:- Ku dhawaad ilaa 30 Ruux oo dhawaac ka soo gaadhay Qaraxii foosha xumaa ee dhawaan ka dhacay Gudaha Magaalada Bosaaso,ayaa maanta laga daad gureeyay magaalada Bosaaso,kuwaasi oo Diyaarada laga saaray Garoonka Magaalada Bosaaso, dadkaasi oo qaarkood ay ahaayeen, Dumar si aad ah Dhaawac u soo gaadhay.
Manta oo laga qaaday cusbitaalka ayaa intii aan laga baxin cuspitaalka waxaa la gidoon siiyey dhar isugu jira macawiiso, goyaal iyo wax yaabo kale sidoo kale waxaa la gidoon siiyey  lacag doolar ah oo u dhaxaysa 150$- ilaa iyo 500$ oo doolar taas oo ay kukala mutaysteen sida ay u kala dhaawac culus yahiin  waxaana gudoon siinayey  duqad degmada Boosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil   iyo Sheekh Fu”aad oo ka mid ah culamadii gacanta ka geystay soo ururinta lacagtaaan  oo laga soo ururiyey ganacsatada  DGPL.
Waxa ugu horayn Safarka Dadkaasi ka warbixiyay Duqa Degmada Bosaaso C/saaq Xareed Duqa ayaa sheegay inay dadkaasi dhibaato soo gaadhay isla markaan ay siwacan ula dhaqmeen Dhamaan dadka Reer Bosaaso,iyaga oo Taageera Lixaadleh u fidiyay.
Waxa isna Dad guraynta Dadkaasi ka hadlay Gudoomiye Xigeenka Ruga Ganacsiga Jaamac Salaad Dhega Dheere ayaa sheegay in ganacsatada uu gidoomiyaha u yahay ay gacan ka geysteen taakulaymnta dadkaasi.
Hayada lagu magacaabo IMO ayaa fan garsay Qarashka dadkaasi loogu celinayo dalkoodii iyada oo ay Hay”addaasi Gacan ka helaysa Dhamaan Shacabka Reer Puntland iyo waliba Maamulka Cisbitaalka Magaalada Bosaaso.
Dadkaasi maanta loo daad gureeyay Dalka Itoobiya ayaa waxay ahaayeen kuwa dhaawac ka soo gaadhay Qaraxii dhawaan ka dhacay Agagaarka Dekeda Magaalada Bosaaso oo ay ku dhinteen ilaa 52- Ruux halka uu dhaawacna ka soo gaadhay Ilaa 30- Ruux oo ah kuwaasi maanta loo qaaday Dalkooda.
Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com/Bosaas