cahta.jpgAdis-Ababa:- Madaxwaynaha Dalka Chat Mr Idir Dabey ayaa shaaca ka qaaday inay Midawga Afrika ka gaabiyeen wax ka qabashadii Dalka Somaliya  ee ay dagaaladu la degeen, Masuulkaasi oo haatan jooga Xarunta Dalka Itoobiya Adis-Ababa ayaa sheegay in xaalada haatan ka taagan Dalka Somaliya ay dhamaan Saamayn wayn ku yeelan doonto Geeska Afrika isla markaana looga baahan yanay inay Midawga Afrika arintaasi xaliyaan.

Hogaamiyaha Chad ayaa sheegay in uu Midowga Africa dhowr sanno ka hor balanqaaday in uu Ciidamo gaaraya 8,000 Askari ,kuwasoo qeyb lixaad leh ka qaadanaya Nabad ku soo celinta guud ahaan Soomaaliya oo ay dagaalo ka dhacayeen 18 sanno ee lasoo dhaafay.

Mr Idir ayaa sheegay in looga baahan yahay inay Ururka Midawga Afrika ay baaq Deg Deg ah udiraan Golaha Amaanka si looga Tashadu xaalada Dalka Somaliya uu sheegay inay tahay mid ka sii daraysa.

Idiris waxa uu sheegay mar uu ka hadalay dagaaladii dhawaan ka dhacay Dalkiisa inaanay si gaar ah uga hadlin Midawga Afrka balse ay  uun Canbaareeyeen kuwii Dagaalka ku soo qaaday Dawlada,arintaasi ayuu ku tilmaamay mid aan loo baahnayn.

Hadlkaasi kas oo yeedhay Madaxwaynaha Dalka Chat ayaa ku soo aada xili ay Cakiran tahay xaalada Dalka Somaliya,iyada oo ay caasimada Somaliya ka oogan yihiin Dagaaalo joogta ah.

Dhanka kale Midawga Afrika ayaa tira ka dhawor jeer isku dayay inay Xaliyaan Mushaakilka ka taagan Gudaha Dalka Somaliya, balse arinkaasi ayaan suuroobin marna.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com/