qm.jpg Nairobi:-Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amp. Ahmedou Ould Abdallah ayaa soo dhoweeyay istiraatiijiyada cusub ee Dib u heshiisiinta uu soo bandhigay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen axmed Ould Abdala ayaa Sheegay inuu soo Dhawaynayo Dadaalada dib u hishiisiinta uu wado Raysal Wasaaraha Somaliya Cuur Cadde
Amp. Ahmedou ayaa sheegay in ay taageerayo dadaalo kasta oo xal u ah arrimaha soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay dhinaca kale ee dowladda ka soo horjeeda in ay la hadlaan Dowladda.
Dadaalka niyada ka weyn ee uu wado Raysal wasaaraha, waan taageerayaa, waana tallaabo aanu soo dhoweyneyno”ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobey ee soomaaliya u qaabilsan.
Raysal Wasaare Nuur Cadde ayaa shalay soo bandhigay istiraatiiyad cusub oo loo qaadayo dhinac dib u heshiisiinta, taasoo ka koobneyd dhowr bog

Waxa uu sheegay Raysal Wasaaraha inuu wada hadal la geli doono kooxaha mucaaradka dowladda, isagoona intaa ku daray in meel kasta oo gudaha iyo dibada ay kula kulmi doonaan kooxaha mucaaradka.

Maakhir.com

Nairobi