raice.jpg Washinton:-Farxiyo Faarax Ibraahim, oo ah gabar Soomaaliyeed, ayaa toddobaadkan ka mid noqotay sideed dumar ah oo la guddoonsiiyey billada caalamiga ah ee dumarka lagu tilmaamo geesiyaasha, Biladaasi ayaa Gabadhaasi waxay ku Mutaysatay ka dib markii ay u olalaysa Taakulaynta Haweenka dhibaataysan Biladaasi ayaa waxa Gudoonsiiyay Mr Condolleeza Rice.
Abaal marintaasi ayaa waxa Gabadhaasi gacanta ku galisay Xoog hayaha Arimaha Dibada ee Dalka Maraykanka Haweenayda lagu magcaabo Mss Condollezza  Rice,iyada oo Gabadhaasi ku til maantay mid keentay Dadaal dheer oo ay ku jirto Geesinimo.
Waxa sheegtay Mss Rice inay Gabadhaasi mudo dheer caawinaad siinaysay dad badan oo Dumar ah kuwaasi oo ku Xeraysnaa Xeryo Qaxootig,iyada oo waliba siinaysay Casho ay kor ugu qaadayso Aqoontooda.
Mr Rice ayaa ugu baaqaday dhamaan haweenka Caalamka inay ku daydaan Dadaalkaasi ay muujisay Farxiyo Faarax Cali oo ah muwaadinad Somaliyeed, waxa ku cel celisay Haweenaydaasi inay Dumarku u nugul yihiin dhibaatooyinka oo dhan loona baahan yahay in Il Gaar ah lagu eego.
Farxiyo Faarax Cali oo Abaal marintaasi ka dib warbaahinta kula hadashay magaalada Washinton ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay Abaal marintaasi maanta la siiyay waxayna sheegtay inay sii waydayo Olalaha Balaadhan ee ay ku taakulaynayso Dumarka Dhibaataysan.

Jaamac Ayaanle Feyte/ Maakhir.com