tahriib1.jpg Sanca:- Dawlada Dalkaasi Yeman ayaa walaac xun ka muujisay Qaxootiga faraha badan ee ku sii qul qulaya dalkeeda,waxay sheegtay Yeman in ay dadkaasi soo kordhinayaan Dhibaato xoogan iyo Culays horle oo ku yimaada dalkaasi Yeman, warbixin uu soo saaray Madhasaabka Gobolka Laxja ee dalkaasi Yeman ka tirsan ayaa arinkaasi aad loogu qaadaa dhigay.
Barasaabka Gobolka laxaj ee wadankaYaman Cabadi Wahaab Yaxye ayaa waxa uu sheegay sii soco shada Qaxootiga Somaliyeed oo ku soo qul qulaya wadanaka Yaman islamarkaana  ka imaanaya dalka Somaliya ay saro u qaaday culeys ka horayba u haystay Xukuumada Yaman,waxaana uu sheegay in tirada qaxootiga ee Somaliyeed ee imika ku jira kaamka lagu magacaabo kharaj ee Gobolkaasi laxaj ay gaareyso in kabadan 9-kun oo qaxooti Somaliyeed.
Mr Yaxye waxa uu baaq u soo jeediyay Maamulka Puntland oo uu sheegay in dadkaasi laga soo daad gureeyay xeebaha Dalkooda,isaga oo Farta ku fiiqay inaanay Maamulka Puntland aanay dheg jalaq u siin dhibaatooyinka xoogan ee ka dhalanaya Tahriibta.
Masuulkaasi waxa uu sheegay inay jiraan Boqolaal Muhaajireen somali ah oo waliba u soo hayaansan Dalka Yeman,kuwaasi oo doonyo yar yar ka soo raaca Xeebaha  maamul Goboleedka Puntland,dadkaasi inta badan Nolol lama soo gaadhaan Dalka Yeman.
Waxa jire Qorshe caalami ah oo ay iska kaashanayaan dawlada Yeman iyo Q.M taasi oo lagu xakamaynayo Tahriibta faraha badan ee ku soo qul qulaysa Dalkeeda, qorshaasi ayaan wali si cad loo shaacin.
Maxamed Ruush.
Ruush99@hotmail.com