ifj.jpgNew York:- Ururka Saxafiyiinta Caalamka ee loo yaqaan IFJ ayaa Dawlada Somaliya ugu baaqay inay wax ka bedelaan sharciga cusub ee loogu tala galay in lagu hako Saxaafada Dalka Somaliya, Ururkaasi warbixin dheer oo uu saaray aya lagu qeexay inuu sharacigaasi luga ha qaban doono Saxafiyiinta Somaliya oo awalba ay Dawlada Somaliya Madax kaga taagnayd.

Xoghayah Ururka I f J Aidan White ayaa sheegay in sida ay sheegayaan war bixinada aan ka helayno saaxiibadadeena dhinaca saxaafada ee jooga Somalia in ay waajahayaan dhibaatooyin Qatar ah oo ku saabsan sharcigan cusub

IfJ waxaa kale oo ay sheegatay in war bixino ay ka heleen Ururka saxfiyiinta ee (NUSOJ ) ay sheegayaan in sharciga cusub ee dhinaca saxaafada oo dhawaan ay ansixisay dowlado looga baahanayahay in wax laga bedelo si sharcigaasi ay ula jaan qaado heerarka caalamiga ah ee dhinaca saxaafada.

Ururkaasin waxa uu warbixintiisaa ku soo qaatay cadaadiska lagu hayo saxaafada Dalka Somaliya oo ay sheegeen in loola dhaqmo si aan haboonayn, iyada oo maalin kasta dil iyo Xadhiga aan sharci ahayn lagu kaco Saxafiyiinta Dalka Somaliya jooga.

Xooghayaha Ururkaasi IFJ ayaa sheeciyay in Dawlada Somaliya looga baahan yahay inay xaq dhaworaan Xafiyiinta Madax Banaan ee jooga gudaha Dalka kuwaasi oo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

Dhanka kale Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Somaliyeed ee (NUSOJ) ninka lagu Magcaabo C/saaq Cumar Boqor (Shiikh Aduunyo) ayaa isna sheegay in saxaafada Dalka Somaliya u baahan tahay  wax haga isaga oo til maamay inay Dawlada Somaliya afka hayso saxaafada gudaha taasina ay keeni karto buu yiri in gabi ahaanba la waayo Xaqiiqda.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com