ww.jpgBosaaso:- Aqoon is waydaarsi ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Shabakada Haweenka ee Waawa loo yaqaan taasi oo ku taalada Gudaha Magaalada Bosaaso, Kulankaasi ayaa waxa lagu lafa gurayay Xuquuqa Adanaha,waxana goob joog ka haa Masuuliyiin badan oo ka tirsan Maamulka Puntland.Barkhad cali saalax oo ah la taliyaha madaxweynaha  dgpl  oo furay aqoon isweydaarsigaan   ayaa  ku nuux nuuxsaday  xaquuda halka ay ka jirto iyo sida loo raadinayo isagoo tusaale ahaan u soo qaatay  ninka madow ee ee loolanka  ugu jira madaxtinimada   xisbiga dimoqraadiga  ee lagu magaacabo  brack obama  isagoo xusay sababta loogu canbaareyey dharka  soomalida uu xirtay  haday xornimo jirto waxuu yiri maxaa loogu canbaareeyey xiligaan uu ololaha ku jiro  maraykanku siduu ugu tunto xuquuqda adanaha majiro cid ugu tumata waa ay dhici kartaa dhib yari in uu dhaco  oo meel aan wax jiri majirta  sidaas waxaa hadalkiisa ku soo koobay barkhad cali salax oo ah la taliyaha madaxweynaha dgpl dhinac arimaha bulshada

Waxa iyana halkaasi hadal kooban ka soo jeedisay Gudoomiyaha Ururkaasi Waawo Xaawo Cali jamaac oo sheegtay inay iyagu ka Urur ahaan soo qaban qabiyeen Work-Shopkaasi isla markaana looga gol leeyahy in dadka laga dhaadhiciyo waxa uu Yahay Xuquuqda Adamigu.

Xaawo Cali Jamaac Waxay kaloo sheegtay in Maamulka Puntland aanay ka jirin wax Xusuuq ah oo la taaban karo,ama Xuquuda Aadniga oo wax la yeelay, balse loo baahan yahay in Dadka had iyo jeer la wacyi galiyo.

Maakhir.com/ Bosaaso

Advertisements