Dhahar:- Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag ka tirsan ayaa sheegaya inay Maanta ilaa xalay Magaaladasi ugu geeriyoodeen ilaa  Hal Ruux,halka ay kuwa kalena yaaliin Cisbitaalka Guud ee Degmadaasi,  Maamulka Cisbitaalka Degmada Dhahar oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in ilaa 4- Ruux ay haatan jiifaan Cisbitaalka Degmada Dhahar.

Warka aanu ka helayno Degmada Dhahar ayaa intaasi ku daray in  laba maalmood ka hor ay Gabadh yari ugu yeeriyootay Degamada Dhahar Cudurka shubun Biyoodka, waxa jira dad kale oo Cudurkaasi wali la il daran.

Xidhiidh dhanka Tallefoonka oo aanu samaynay ayaanu ku ogaanay in ilaa 4- Ruux oo jiifaan Cisbitaalka Guud ee Degmada Dhahar kuwaasi oo uu soo ritay Cudurka shuban Biyoodku iyada oo wadaan dadaalo dheeraad dhakhaatiirda Cisbitaalka Degmada Dhahar.

Dhakhaatiirta Goobaha Caasfimaadka ee Degmada Dhahar ayaa caawa hiigan sare la galiyay si ay ugu tafa xaytaan dadka la soo dhaca Cudurka shuban biyoodka.

Ma jiraan ilaa haatan cid Gar Gaar u fidisay Bulshada Degmada Dhahar ee qaarkood la il daran Cudurkaasi, marka laga reebo dadka Deegaanka oo iyagu dhexda u xidhay inay dadkaasi dhibaataysan taakuliyaan.

Waa Magaalidii ugu horaysay oo ka tirsan Gobolka Sanaag taasi oo laga soo sheegayo inuu Cudurkaasi fara baas ku hayo, iyada oo ay soo baxayaan qayla dhaan Ba”an oo ku aadan wax ka qabashada Cudurkaasi.

Jamaac Ayaanle Feyte

Maakhir.com