ulan.jpgBosaaso:- Kulan xasaasi ah oo ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe kaasi oo lagu jeex jeexayay sidii loo Ansixin lahaa Xeerka Patroolka iyo macdanta ee Maamul Goboleedka Puntland,waxana kulankaasi goob joog ka ahaa Madaxwaynaha Maamulka Puntland iyo Madaxwayne xigeenkii, Golaha wasiirada, iyada oo uu kulankaasi ahaa mid maanta la furay isla markaana socon doona ilaa 15- cisho.

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 15/maarso/2008  u Furmay Golaha wakiillada DGPL kalafadhi Fadhi aan caadi ahayn Kaa soo soconaaya Mudo 15 Cisho, iyada oo inta badan Kal fadhigaasi diirada lagu saarayo xeerka Ansixinta Patroolka iyo Khayraadka dabiiciga ah ee ku jira Deegaanada Puntland. 
Waxaana Kasoo Qayb galay Madaxwaynaha DGPL & Madaxweyne Ku xigeen kiisa & Masuuliyiin Badan oo Katirsan DGPl,iyada oo ay halkaasi hadala ka soo jeediyeen dhamaan Masuuliyiinta Kal fadhigaasi joogtay.
 Ulajeedda loo qababn qaabiyeyna ayaa ahayd In la an sixiyo  kahyraadka Dabiiciga ah ee Dalaka Macadanta iyo Shidaalka DGPL, waxa xusid mudan inuu Kulankaasi goob joog ka ahaa wasiirka Macdanta iyo patroolka Maamulka Puntland Xasan Aloore.
Wasaarada macdanta & Batroolku waxaay Soo diyaariyeen Xeerkii Macadan ta & Bartoolka ee la ansixin lahaa kaas oo ay uqaybiyeen Xubnaha Golaha wakiillada
Berina ay ka fdhiisanaayaan Doodiisa Xeerkaas.
Maakhir.com./Garoowe