abaaro.jpgMuqdisho: Abaaro xoogan ayaa laga soo sheegayaa Gobolka Shabelleda Hoose ee  Koonfurta Dalka Somaliya, Abaarahaasi ayaa la sheegay inay dharbaaxo xoogan ku dhufteen Xoolihii iyo Dadkii  halkaasi Joogayba, waxa la soo sheegayaa inay dhinteen ilaa 50- neef oo Adhi ah kuwaasi oo ay saamaysay Abaartaasi daba dheere, ma jiraan ilaa haatan dad Abaartaasi u geeriyooday.

Qaybaha ay sida daran u saameeysa abaaraha ayaa waxaa ka mida ah Deegaanka KM 50 ee Gobolka Sh/hoose halkaasi ay dadka iyo Duunyada ku heeysato  macluul Baahsan iyo Weliba xaalada Nafaqo Dari oo soo food saartay caruurta ku nool deegaankaasi.

Wax garad ka soo jeeda beel ka mida beelaha dega gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ay booqasho ku soo kala bixiyeen deegaanka KM 50 oo ay ka jiraan abaro Baahsan oo dadka iyo duunyada ku habsatay waxaana ay sheegeen qaar ka mida wax garadka in dhibaatada ay ku soo arkeen Deegaankaasi loo baahn yahay wax qabad dhab ah si loo samata bixiyo dadka iyo duunyada deegaankaasi ku nool.

 Dhamaan dadka Deegaankaasi degan ayaa waxa ka soo yeedhaysa qayla dhaan Ba”an taasi oo ku aadan Abaaraha ku dhutay,waxa jira Dadaalo ay wadaan waxgaradka Deegaankaasi Degan kuwaasi oo safaro dhaa dheer ku soo kala bixiyay dhulka miyiga ah ee Deegaankaasi,iyaga oo ugu baaqay Dawlada Somaliya iyo Hay”adda Caalamiga ah inay dadkaaasi dhibaataysan Taakulo la soo gaadhaan.

Maakhir.com/ Muqdisho