mmmmmmmmm.jpgMuqdisho:- Gudoomiyaha Gobolka Baanaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa sheegay inay Dagaalada iyo qaska Magaalada Muqdisho ka oogan ay hurinayaan Kooxda Al-Shabaab uu sheegay inay Joogaan Gudaha Magaalada Muqdisho, Maxamed Dheere waxa uu kaloo sheegay inay Maamulka Gobolka Banaadir dhawaan talaabo cad ka qaadayaan kuwa Foodada ka wada Gudaha Magaalada Muqdisho.

Waxa sidoo kale uu ku eedeyay kooxda Al shabaab in qeyb ka mid ah ay fadhiyaan deegaanka ceelasha Biyaha waxana soo weerareen buu yiri deegaanka siinka-dheere iyagoo dilay buu ku daray hadalkiisa 10 qof oo isagu jira rayid iyo Boolis ka tirsanaa Dowlada Kmg ah ee Somalia islamarkaana dhacay hanti sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu farta ku fiiqay inay ka Maamul ahaan ay talaabo cad oo wax ku ool ah ka qaadayaan cid Alaale cidii Nabada Magaalada Muqdisho maja xaabinaysa, waxa uu ku cel celiyay inay jiraan dad Muqdisho jooga oo doonay inaanay waligeed caasimada Nabad waartaa ka dhalan kuwaasina waxa uu ku sheegay Nabad diidayaal.

Mr Dheere ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraaid oo uu ku qabtay isla gudaha Magalada Bosaaso,isaga oo  sheegay inay Ujeekda shirkaasi yahay sidii looga Arin san lahaa wax ka qabashada xaalada Amaan ee Muqdisho.

Hadalka Maxamed Dheere  ka soo baxay ayaa  waxa uu ku soo beegmayaa xili ay dhawaan Deegaanka Ceelasha Biyaha booqdeen xubno ka tirsan Baarlamaanka Dawlada  Somaliya kuwaasi oo halkaasi oo indha indheeyay, ka dib makii ay dhawor jeer soo baxeen qayla dhaan Ba”an oo ka soo yeedhaysa dad fara badan oo Deegaankaasi ku Bara kacay.