hy.jpgMuqdisho:- Raisalwasaaraha Dawlada Somaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur (Cadde) ayaa ka hadlay Nabad gelyada isaga oo warbaahinta ka sheegay inay Xaalada Amaan ee Hataan Dalku ku jiro ay Marayso meel heer sare ah, Nuur Cadde ayaa hadalkaasi ka jeediyay Shir Ja”raadi uu oo maanta ku qabtay caasimada Somaliya ee Muqdosho.

Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde oo ka hadlayay shir jaraa’id kadib markii uu kulan la yeeshay guddiga nabadgelyada qaranka, ayaa sheegay in muhiimada la siinayo arrimaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta,taasi oo buu yiri ayaa noqonaysa tan Udub dhexaaka u ah Nabad ku soo dabaalida Dalka Somaliya.

Nuur Cadde waxa uu ku adkeeyay ciidanka dowladda inay xushmeeyaan dadweynaha, ayna ka qeyb qaataan dadaalka dib u heshiisiinta ee dowladdiisa, isagoo dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada inay doorkooda ka qaataan, oo ay bixiyaahn canshuuraha  ku waajibtay si loo sugo ayuu yiri ammaankooda.

Arrimaha kale ee shirkaasi jaraa’id uu uga hadlay waxaa ka mid ah, guddiga midnimada beelaha Hawiye, oo uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay inay xor u yihiin dhaqdhaqaaqooda,isla markaana ay aanay Dawladu Afka ooda ka saarayn e aynu ka codsanayso inay Taageeraan qorshayaasha Dalka oo dhan Nabad looga dhalinayo.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaar ah u sheegay in amar lagu siiyay ciidamada in ay guddiga uu madaxda u yahay Maxamed Xasan Xaad ay gacan ku siiyaan hawlaha ay hayaan oo ah Hawlo muhiim ah oo Dhamaan Shacabka Somaliyeed loogu adeegayo.

Dhamaadkii sanadkii hore ayaa guddoomiyaha Golaha dhaqanka beesha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, uu sheegay in uu dhuumasho ku jiro ka dib markii uu u baqay naftiisa oo dhawor jeer Hooyga uu ka degan yahay Muqdisho kormeereen Ciidamada Dawlada Somaliya.

 

Maakhi.com/ Muqdisho