ac130_2.jpgMarka:- Diyaarad ku soconaysa jawi hoos ayaa maanta dul heehaabays hawada sare ee Magaalada Marka,waxana ay sheegeen dadka Deegaanku inay Diyaaradaasi mudo Saacada ah ku dul meeraysanaysay Hawada Sare ee magaalada Marka, dhamaan dadka Deegaanka ayaa u su soo baxay iyaga oo u soo daawasha Tegay Diyaaradaasi.

Dadka ku dhaqan magaalada Marka ayaa cabasho ka muujiyay diyaarado basaaska ee ayan cidi wadin oo jawi hoose ku dulayay qadar saacado ah Hawada Sare ee Magaalada Marka, waxaana dadka ay isgu soo bexeen Wadooyinka Magaalada iyagoo daawanayay Dhaq dhaaqa ay diyaaradahaasi ka wadeen dusha sare ee magaalada Marka.
Qaar ka mida Dadkii daawanayay diyaaradahani ayaa tilmaamay in ay yihiin kuwa Basaaska ee aan la wadin isla markaana laga hogo Maraakiibata ku sugan badweeynta Hindiya.
Dadka Deegaanka Marka ayaa arinkaasi ku til maamay inay yihiin kuwa ay ka danbeeyaan Ciidamada Maraykan ee Jooga Xeebaha Somaliya kuwaasi oo hadba kaanta roola dhaq dhaqaaqa Deeganada ku yaala Koonfurta Dalka Somaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii Diyaarada Dagaalka ee Dalka Maraykanku duqeeyaan Deegaanka Dhooblay ee ka Tirsan Gobolka Jubada Hoose kuwaasi oo khasaare naf iyo Maalba leh gaadhsiiyay Dadka Deegaanka Dhooblay.

Maakhir.com/Marka Caday